“ Qiime Dhaca Shilinka S/Land Waxaa Masuul Ka Ah Shirkadaha Qaadka Ee Ina Afdiinle,Faraska Iyo Ina Gaafane “Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye

0
637

“ Qiime Dhaca Shilinka S/Land Waxaa Masuul Ka Ah Shirkadaha Qaadka Ee Ina Afdiinle,Faraska Iyo Ina Gaafane “Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye
Hargaysa(WSN) Agaasimihii Hore ee Cashuuraha Beriga Somaliland Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye ayaa Markii ugu Horeysay Waxaa uu Si Qoto Dheer leh Uga HAdlay Sixir Bararkan Dalka Aafeeyey Isagoo Tilmaamay Qorshe Ka Duwan Kan Ay Xukuumadu Wado Loona Baahan Yahay In Sida ugu Dhaqsaha badan Wax looga Qabto Maadaama ay Arintani Saamayn Weyn Ku Yeelatay Nolosha Dadka Danyarta ah
Agaasimaha Ayaa Sheegay Inaanu Sixir Bararku Ahayn Meesha Laga Deyayo Waxaana uu Farta ku Fiiqay Cida Sida Tooska ah Dalka uga Wada Qiime Dhaca Shilinka Somaliland iyo kor u Qaadista Lacagaha Qalaad ee Dalka lagu Isticmaalo Kuwaasi oo uu ku Sheegay inay Yihiin Shirkadaha Qaadka Dalka Keena ee INA AFDIINLE,FARASKA iyo INA GAAFANE.

Agaasimaha Oo Arimahaasi ka Hadlayaana Waxaa Hadalkiisa Ka mid Ahayd Sidatan
“ Horta Marka hore Ilaahay Ayaa Mahad oo Dhan Iska leh,Waana Alxamdulilaah Rabul Caalamiin (ilaahay wuxuu Yidhi Hadaad igu Shukri Naqdaan Waan Idiin Kordhinayaa Hadaad Igu Kufridaana Cadaabtaydu Way Adag Tahay(Kulushahay) .Hadaba Maadaama aynu muslimiin Nahay Waa inaan Ku shukrinaa Nimcadda Ilaahay Mar walba Waana Inaan Ku Xamdi Naqnaa Mar hadii Rabi Raxmaadkiisii Inoo shubay

Takale Waxaa Isna Jabay Dolarkii Haseyeeshee Maaha Sidii la Rabay Yaan la is odhan Miskiin ayaa Misko La Fuulo leh,Qofkii Sita Hal dolar Waxaa Lagaga Iibsanayaa 7000 Hadaad adigu Doontana Doolar heli maysid Waxaana igu Maqaalo ah inay Yidhaahdeen Sariflayaashu Dolar Nagu Jooga 900,000 Kuma sarifayno Todoba Boqol oo Kun Hadaba Waxaan qabaa Inay Dolarka Kicinayaan Sadexda Shirkadood ee INA AFDIINLE,FARASKA iyo INA GAAFANE.

Hadii La Doonaayo In wax Laga qabto oo la Jebiyo Dolarka Waxaan Soo Jeedinayaa in Si Dhaqso ah Wax looga Qabto Sadexdaas Shirkadood ee Qaadka Waxaanan usoo Jeedinayaa Booliska,Sirdoonka Dawladu inay Ogaadaan Habeenkii Cidda Keeriyoonayaasha iyo Jawaanada Camiran ee Suuqa lasoo gelinayo, Cidda wadata ee Shilinka Somalilandka Ka buuxo ee lagu Doonaayo Doolarka oo welibana Isku Eri ah(Laysku Eryaayo) Waa taas Arinta Dolarka Kicisay Si ay Subaxdii Gawaadhida Qaadka Soo Qaadaysa ayay Saaraan Lacagta Dolarka Markii horse lama dareemi jirin sababtoo ah waxaa jira Lacag badan oo dolar ah oo dalka soo Geli Jirtay Sida

Xoolaha dalka Laga Dhoofinaayo
Xoolaha Sayladaha ay kaga Iibsanayaan Shirkadaha Xoolaha Dhoofiyaa Siiba ALJAABIRI oo ugu BAdnaa
Dadka Dibadaha Jooga oo Soo Dira Biilasha oo Dolar ah Intuba Waa ay Yaraatay Siiba Xoolaha oo la Joojiyay

Sidaa Darteed Waxaa Suuqa Kusoo Hadhay Intii Yarayd ee Biilasha ee dibada Laga Soo dirayay Taasi oo aan Waxba Ka Tarayn Suuqa iyo Sarifka Lacagaha Taasna Shirkadaha qaadka ayaa Booba oo Isku Erya

Sidoo kale waxaan Qabaa in in Isticmaalka Lacagaha Adeegyada ZAAD iyo eDAHAB Laga Dhigo Lacagta Somaliland ee Shilinka ah lamina arag Dal Lacag aanu lahaynoo Dal kale Leeyahay ku Isticmaala Electronic sidaa darted Adeega Zaadka wax laga qabto Shirakadahaasna Shilinka Somaliland Waa Inay Dadka Ugu Shubaan Moobeeladooda

Run Ahaan Marwo Samsam Cabdi Aadan intii ay Xilkaasi haysay Si Fiican yahay Uga Shaqaysay Sixir Bararka Iyo Abaarahaba Min Laascaanood Ilaa Lawyacaddo taariikhduna Waa ay Qori doontaa Waxa Dalka ay U Qabatay IRON LADY indhihii Caafimaad qabaana waa ay Arkayaan waxa ay dalka iyo Dadkaba ka Qabatay waxaana ay Abgaalku Ku Maahmaahaan Dameer aan Saaranahay Maxay Dhuusadiisu Iga Dhibaysaa,Waxaan leeyahay Qaar badan oo ka Daba Yuusaya Wasiir Samsam ee Qaadka Markay Waayaan Xaasidaya Samsam Sida Shabakado Murqaanka lagu Qoro oo Ay Dad Caadfiyiin ahi Qoraan,Ogaada ayaan idin leeyahay Qofka La Xaasidaa markaasuu Sii Dalacaa oo Horumar Iyo Nolo Gaadhaa