Qisadii Qaar-waraabe Waxa Qoray Cumar Seerbiya‏

0
461

qoysaska xoolaha leh sida adhiga caruurta inta badan waxa loo kala calaamadiyaa neefka mid ah xoolahaas waxaana la yidhaahdaa hebel ama heblaayo ayaa iska leh neef hebel marka la iibiyo qofkii iska lahaa waxyar oo sabir siin ah ayaa looga soo iibiyaa lacagtii neefka lagu bedeshay waxaan xusuustaa waqti aabahay uu yidhi waxaan iibinayaa orgi hore la iigu magacaabay oo la odhan jiray qaar waraabe oo qaarka sare u weynaa waxaan codsay in aan sii raaco orgiga iyo aabe oo kaxaynayeyba intaasna aan isku dayo inaan kaga sii samro tuulle yar ayaan gaynay saw orgigaba waa laga sii

heshiiyey oo maantaba nin meherad haystay waxa uu u qorsheeyey in lagu qadeeyo aabahay xadhig ayuu qaar waraabe ku hogaaminayey anna ulyar ayaan la daba socdaa balse kuma dhufanaayo jacaylka aan u qabo awgii markii aan istaagnayba waxaan arkay nin mindi la diyaar ah isaga oo aan na salaaminba waxa uu nagu yidhi waad la raagteen isaga oo fiirinaya saacad Nooca Casio la dhan jiray oo cinjirna dusha kaga xidhan yahay oo gacabta bidix uu ku xidhnaa nin kale ayuu u yeedhay aniga oo arkaaya ayaaba orgigaygii cagihiisa cirka loo taagay hadana waa la rogay orgigii bood madaama uu xoogweynaa oo aan anna doog badan siiyey nin saddexaad ayaa ay u yeedheen kii baa suuro geliyey in laga xoog bato qaar waraabe waxaan arkay in laga dhiijiyey wali waa la qalay qorshahaba iguma jirto oo in la dhaqanaayo ayaan

moodayey waxaan hadana arkay inuu is dhiibay qaar waraabe madaama saddex nin oo midi mindi sitaa ay iskugu habar wacdeen qortiisii ayaan arkay inay kala go’antahay waan orday oo xataa aabahay waan aamini waayey madaama uu raali ka noqday in orgigii nala socday ee aanu annagu ka soo dhex saarnay adhigii kuwa uu dhalay iyo kuwo la dhashayba iskugu jiray waxaan fiiriyey ninkii aan u arkayey in uu ugu naxariista darnaa saddexda nin oo ahaa kii mindida haystay waxaan arkay inuu wali haysto mindidii oo aan u fahmay inuu wali rabo wax kale oo uu ku qalo markaasina waa markii xataa kabahaygii mid aan suun dambe lahayn aan ka orday meel dhexe ayuu aabahay igu soo gaadhay markii uu gacanta i qabtay waxaan eegay inuu mindi sito bilaa mindida ayaan ku raacee isaga xataa ma yeeleen dilkii qaar waraabe waxii ka dambeeyey wali indhahayga uma ogolaado in aan arko neef la qalaayo maalin ciid ah ayaan jid aan maraayey waxaan arkay islaan neef dhagta haysata waxay igu tidhi kaalay ii qabo maxaad ku samayn ayaan ku idhi markii ay i tidhi waan qali waxaan ku fikiray ma ka siidaysaa ha baxsato riduye waanan diiday in qalliinka rida aan ka qaybqaato jidkii islaantu taagnayd xataa dib uma marin inkasta oo aanan hilibka aad u cunin hadana haddii ay dhacdo waxaan xusuustaa qaarwaraabe