Qof Looga Shakisan Yahay Inuu Al-Shabaab Ka Tirsan Yahay Oo Lagu Qabtay Turkiga

0
294

Qof lagu tuhunsan yahay in uu ka tirsan yahay Al Shabaab ayaa maanta oo Arbaca ah lagu xidhay magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Sida lagu daabacay Wakaaladda Wararka ee Anadolu, oo soo xigatay ilo wareedyo amni ayaa sheegtay in qof la qabtay la ogaaday inuu kooxdaas u qaabilsanaa dalka Kenya.

Waxaa kale oo la sheegay in hawlgalka lagu qabtay ninkaan ay iska kaashadeen booliska dalka Turkiga iyo hay’adda sirdoonka dalkaas (MIT).

Inkastoo hay’adaha amniga ay magaciisa kusoo koobeen A.B. hadana wuxuu heystaa dhalashooyinka dalalka Jarmalka iyo Talyaaniga, waxaana lasoo xidhay kadib markii booliska ay warqad kasoo qaateen maxkamadda.

Kooxda AL-Shabaab ee ku xooggan gudaha Soomaaliya ayaa gacan saar la leh ururka AL-Qaacida, waxa ayna mar walba weeraro ka fuliyaan Koonfurta iyo Badhtama Soomaaliya, sidoo kalana qeybo ka mid ah wadamada dariska ah sida Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here