Qoraal uu na soo gaadhsiiyey Wasiir ku xigeenka Maaliyadu ayuu ciwaan uga dhigay Askarinimadu ma caybaa mise waa ammaan

0
336

Qoraal uu na soogaadhsiiyey Wasiir ku xigeenka Maaliyadu ayuu ciwaan uga dhigay Askarinimadu ma caybaa mise waa ammaan.
Axmed
Marka hore waxaan hambalyaynayaa muj.muuse biixi cabdi GUD.XISBIGA KULMIYE ahna murashaxa madaxwaynaha jamhuuriyada soomaaliland iyo madaxwayne ku xigeenka jamhuuriayada soomaliland ahna murashaxa madaxwayne ku xigeenka MUD.cabdirahmaan cabdilaahi ismaaciil (salici) , waxaan labadaba ku hambalyaynayaa guushii uga soo hooyatay madashii doorashada ,maalintii salaasadii taariikhduna ahayd 10.11.15

Marlabaad waxaan jecelahy inaan wax ka idhaahdo dhaliilaha dadka qaarkii usoo jeediyaan MUJ. MUUSE BIIXI CABDI ,kuwaas oo ku saabsan askarinimadiisa .

Halkan waxaan ka leeyahy :horta bani,aadamka ma shaqadaa abuurta mise bani,aadamkaa shaqada abuura ?

Waxa marag madoona shaqada inuu bani,aadamku abuuro iyadu se aanay bani,aadamka abuurin .

markaa waxaan leeyahay :caqliga ma gasho qofna in lagu dhaliilo shaqo heblaayo ayuu qaban jiray, waxaase lagu dhaliili karaa qofka shaqadii uu qaban jiray wuu ku liitay ,oo kamuu muujin jirin karti iyo hufnaan .

Hadaba muuse biixi cabdi askari wuu ahaan jiray wuxuu se ahaa askari shaqadiisa haldoor ku ah,taasna waxaa u daliila inuu ka mid ahaa kuwa ugu magaca iyo muuqa dheer leh geesiyaashii xoreeyay dalkan manta xukunkiisa lagu loolamayo,arintaasoo cadaynaysa askarinimo wanaagsan oo laga midho dhaliyay .

Hadaba halkaa waxaynu ka fahmaynaa ninka askarinimada ku wanaagsan ayaa madaxwaynenimada,wasiirnimada,kuulinimada iyo shaqo kaste oo uu qabtaba ku wanaagsan ,sababta oo ah tayada shaqada waxa keenta tayada qofka shaqada qabanaya .

Ugu danbayntii qolyaha askarinimada dhaliil ka dhigaya waxaan odhanlahaa:hadaan askarinimo jirin ma la heli lahaa dawlad soomaliland ahoo manta lagu murmo anaa xukumaya iyo anaa xukumaya.

Lama heleene waadse halawsantihiine markaad askarinimo dhaliil ka dhigaysaane ,

Dacaayad kale oo dadku idinka qaadan karaan raadsada.

Axmednuur aw cabdi shaacir.

Wasiirkuxigeenka wasaarada maaliyadda . Axmednuur aw cabdi shaacir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here