Qormo Xiiso leh: Mujaahidkii Beeniyay Kibirkii Afweye 1988dii Muxuu Maanta Siilaanyo ku Qaabili Doonaa?

0
351

Mujaahidkii Beeniyay Kibirkii Afweye 1988dii Muxuu Maanta Siilaanyo ku Qaabili Doonaa?

Qoraa Cali Dool Axmed (ex.C.Qoryoley) Bismillaahi raxmaani raxiim

Hargeysa(Warsugannews)Samir badane saaxiib dheh,marka hore salaam diiran,marka xiga samoow heedhe,warku waa sad waayeele,ha tagin sarbeebtiisa iyo saymahaan daaqnay,sooyaalka taariikhdu,iyadaan sal guuraynin,waxay simi haddeer waa run..
Mujaahid Axmedow mudane kusoo dhowoow dalkaagii,waxana kusoo showeynaya,dadkaagii ku jeclaa,waxayna ku leeyihiin,nabsimaalku geediga, hayiinkuu ku guuraa, guudaan dil yuu noqon.

Aan ku horreeyee,Afweyne oo la hadlayay waayeelkii loogusoo shiriyay,xafiiskii badhasaabka W/galbeed,ayuu isaga oo aad u faraxsan,oo tiiqtiiqtiiqsanaya ayuu,la hadlay odayadii reer hargaysa,waxana hadaladiisii ka mid ahaa,”nimanyohow maanta waxaan jeclaan lahaa,in 20 sano oo dambe cimrigayga la iigu daro,waayo wax la arki lahaa,waxa aan aniga iyo ina rag kala yeelo”.dabadeedna heshiiskii uu lasoo gaadhay mangistu ayuu ka waramay,si aad iyo aadna ah SNM ayuu ugu hanjabay.
Sheekaba sheekay keentaaye,waxaan xusuustay sheeko kale.goobtu waa Hargaysa,aqalkii weynaa ee State house- ka dhexdiisa,waxa joogo janaraal Afweyne oo lasoo laabtay jabuuti iyo shirkii EGAD heshiiska nabadeed kulasoo sexeexday, kornayl Mangistu Hayle Maryam oo Itoobiya xukumayay,wakhtigu waa bishii Maraj 1988dii.

Afweyne aad iyo aad ayuu u faraxsan yahay,mar haddii u hirgalay malihii iyo riyadisii ahayd,inuu heshiis nabadeed la gaadho Mangistu,si uu u helo fursad uu kaga adkaan karo ururkii SNM oo sanadahaas laf dhuungashay ku noqday,malihiisu wuxuu ahaa,kol haddii aad mangistu la heshiisay,si fudud ayay ciidankaagu u jebin doonaan,ciidamadii SNM ee aadka u tirad yaraa.
Sikastaba ha ahaatee,M.S.Barre oo faraxsan ayaa saaxiibkiis suldaan Cabdiraxmaan Sh Muxumed Cilmi la faqay,waxana uu ku yidhi,suldaan Cabdiyow,horta ciidankii jabhadda ahaa ee 4aad lla odhan jiray ee aad iga codsatay,inaan hubsiiyo,ee aan kaa ogolaaday,waad ogtahay inay noqdeen ciidankii ugu horeeyay ee ay Qudhmitu kexeysteen.

Hadaba maanta kugu canaanan maayee,waxaan kuu sheegayaa,in aan Xabashidii lasoo heshiiyay,istaaqfurala,waad ogtahay inaan dowalldii Itoobiya lasoo heshiiyay,oo ciidamadayadii aanu xuduudaha labada dalka ka qaadi doono,oo ciidamadii Qudhmistana inay isoo dhiibaan ama uu hubkii uu mangistu siiyay ka qaado aanu ku heshiinay,hadaba adiga saaxiib ahaan,waxaan kaa doonayaa,inaan inamadii 4aad ee aad masuulka ka ahaan jirtay aad soo xereysid oo aad adigu iyaga iyo hubkoodaba u dhiibtid taliyaha qaybta 26aad,si iyaga loo nabadgeliyo,haddii kale xoogbaan kusoo qabqaban doonaayoo,markaas caban doontaa,oo waan ku aqaan oo wiilka reerkiina ah ee Qudhmista ahaa ee ay ciidamadaydu soo qabtaanba,waxaad odhan doontaa,wiilkani Qudhmista muu ahayne Lo’buu la joogay ama beer buu qodayay,anigu hadhoow waxaas kaa yeeli maayee ogoow oo soo xaree ciidamadaadii aad qudhmista u dirteen.(Ilaahaybaan arinka lala lahayene wixii uu Ina rag yeelay waxa la arkay 27dii may 1988dii,maalintaas ayay riyadiisii iyo malihiisiiba beenoobeen Afweyne)

Akhristayaal marka aan yara raadraaco taariikh halgameedkii ururkii SNM,gaar ahaan,taariikh halgameedkii mujaahidiintii la weheliyay,ee ururkii SNM ee goobaha dagaalka gaylami jiray,guulaha bandanna kasoo hoyin jiray,waxa markiiba xusuustayda kusoo dhaca,qaar ka mida,horseedkii mujaahidiintii SNM ee la weheliyay,gaar ahaan,labada mujaahid ee dhinaca taariikh halgameedka ugu qaalisan,kuwaas ayaan milicsan doonnaa oo guud mari kooban ku sameyn doonaa,mujaahidkii la weheliyay taariikh halgameedkiisii.
Aanse ku horreeye,waxa amakaag iyo aamus igu riday, oo dareenkayga kusoo noqnoqonda su’aal aan jawaab u waayay,oo ah,waar taloow maxay xukuumadihii soo maray dalka Somaliland, 25kii sano ee ina dhaafay 1991-2016kii ay labadii mujaahid ee Ibraahim Dhegeyne iyo Axmed Mire ay xilalkii sarsare qarankoodii jamhuuriyadda Somaliland mar qudhana ha noqotee ay ugu dhiibi waayeen.? Allahayow fogaydee nafta meel aan kala faqay,markii aan hoos u eegay sida labadaas mujaahid loo dayriyay iyo kaalintii ay halgankii SNM ku lahaan jireen,!!!.

Lasoco qaybaha Dambe ……………..