Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay Muqdisho kadib safarkii Xarunta Q/midoobay

0
577

Ra’iisul Wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay kadib safarkii Xarunta Q/midoobay

Muqdisho,(Warsugannews)Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu safar ku tagay xarunta Q/midoobay ee New York, halkaasoo uu kaga soo qeybgalay shirkii 70-aad ee golaha loo dhanyahay, waxaana kulankan uu ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka Aadan Cabdulle International ku soo dhoweeyay xubno ka tirsan golaha Wasiirada oo uu horkacayay Ra’iisul Wasaare kuxigeen Mudane Maxamed Cumar Carteh, xildhibaano iyo saraakiil sar sare.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbada uu ka jeediyay fadhigii 70-aad ee golaha guud waxa uu ku sheegay in dalka Soomaaliya caalamku in muddo ah soo gacan siinayay isla markaana soo kaalmeynayay, balse haatan loo baahan yahay in laga gudbo kaalmada, loona gudbo maalgashi, iyo in la horumariyo kaabayaasha dhaqaalaha si dalku u helo dakhli gudaha ah iyo wax soo saar.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbadiisa ku xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay in laga taageero dib u dhiska, tayeynta iyo qalabeynta ciidamada xooga dalka, si loo soo celiyo xasiloonida, loogana sifeeyo dalka haraadiga kooxaha nabadiidka ah ee Shabaab.

Intii uu ku sugnaa Ra’iisul Wasaaruhu xarunta Q/midoobay ayuu kulamo gooni gooni ah la qaatay xoghayaha guud ee Q/midoobay Ban-ki Moon, waxa ayna labada dhinac ka wada hadleen dhaqangelinta qodobada shirkii heerkiisu sareeyey ee looga hadlay arrimaha Soomaaliya, gaar ahaana nabadda iyo horumarka, iyo hirgelinta hiigsida 2016.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale, kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Ruushka Sergei Lavrov, waxaana kulankan diirada lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka, waxayna sidoo kale ka wada hadleen sida ugu haboon ee Ruushku ku taageeri karo hay’addaha dowladda.
Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa intii uu ku sugnaa xarunta Q/midoobay waxa uu saxiixay Axdiga illaalinta xaquuqda Caruurta.

—Dhammaad—–

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here