rasmi François Hollande oo Sheegay in aanu mar kale dib isugu sharaxayn xilka Madaxweynaha

0
477

PARIS – Madaxweynaha dalla Faransiiska François Hollande ayaa sheegay in mar kale uusan dib isugu soo sharaxayn xilka Madaxweynaha ,wuxuuna go’aankan uga dhawaaqay khudbad uu si toos ah uga sii daayey Telefishinka Faransiiska.

François Hollande ayaa sheegay in bilaha soo socda ay shaqadiisu noqon doonto hoggaaminka dalka balse uusan dib isu soo sharaxayn.

Waxaan go’aan ku gaarey in aanan musharax noqon doorashada imaaneysa 2017 ayuu yiri Hollande …..Bilaha soo socda waxay shaqadeydu ahaaneysaa in aan dalka sii hoggaamiyo.

Waxaa si weyn hoos ugu dhacday shacbiyadiisa ,isagoona noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee ugu taageerada yaraa ee Faransiiska soo mara.

Hollande ayaa doonaya in uusan fursada ka qaadin xisbigiisa Socialist si ay u keensadaan musharax guuleysan kara.

Madaxweyne Hollande ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyey ee Faransiis ah oo aan mar lambada aan isa soo sharaxin.

Musharaxa loo badinayo in uu guuleysan kart 2017 ayaa ah Francois Fillon oo ka socda Xisbiga Jamhuuria,iyadoona lagu wado iney ugu danbeynta isku arkaan Haweeneyda hoggaamisa xisbiga cunsuriyinta ee Marine Le Pen.

François Hollande kaddib ayaa la sheegayaa in Xisbigiisa cida musharaxa uga noqneysa u badan tahay Raysalwasaaraha gadda ee Manuel Valls.