RASMI: Saha oo ka mid noqday xulka Ivory Coast xilli uu 2-kulan u saftay xulka qaranka Ingiriiska

0
453

waaxa qoreya yaasir br

Xiddiga garabka kaga duula Crystal Palace ee Wilfried Zaha ayaa si rasmi ah uga mid noqday xulka qaranka Ivory Coast iyadoo ay jirto inuu labo kulan u saftay xulka Qaranka Ingiriiska.

Saha ayaa lagu wadaa inuu kulankiisii ugu horreeyay u safto xulka ka soo jeeda qaarada Madoow koobka African Cup of Nations ee lagu qabanayo Gabon, wuxuuna ka maqanaan karayaa kooxdiisa muddo bil ah.

24-jirka ayaa ku dhashay caasimada Ivory Coast ee Abidjan, balse wuxuu u soo dhaqaaqay Ingiriiska isagoo 4-jir ah.

Intaa kaddib wuxuu u saftay xulka waa waynka Ingiriiska kulan ay la yeesheen Sweden 2012-kii, ka hor intuusan safan kulankii ay la yeesheen Scotland sanad kaddib.

Laakiin maadaama ay labada kulan ahaayeen kuwa saaxiibtinimo iyadoo ay xitaa jirto inuu 13-kulan u saftay xulka 21-jirada Ingiriiska ayuu misane weli awooday inuu ku biiro xulkiisa hooyo waayo wuxuu heystaa Baasaboor Ivory Coast ah.

Zaha ayaa iminka lagu wadaa inuu kulankiisii ugu horreeyay u safto xulkiisa 16-ka Janaayo kulan ay ku wajahayaan xulka Togo, ka hor inta aysan wareega group-yada isku arkin DR Congo iyo Morocco.