Raysal Wasaaraha Pakistan Oo Laga Helay Coronavirus Laba Maalmood Ka Dib Markii Uu Qaatay Tallaalka COVID-19.

0
520

 

Khan ayaa “gurigiisa isku karantiilaya” ayuu wasiirkiisu Faysal Sultan ku yidhi qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, isaga oo aan bixin tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan in dadka kale ee xidhiidhka la sameeyay Khan ay sidoo kale is-karantiilayaan.

Khan, oo 68 jir ah, ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday shirar joogto ah oo uu ka mid yahay ka qayb galkiisa shir dhanka amniga ah oo lagu qabtay caasimadda Islamabad oo ay ka soo qayb galeen dad aad u tiro badan.

Waxa uu shirkaasi ka jeediyay khudbad isaga oo aan xidhneyn maaskaro, waxa uuna ka qeyb galay kulan kale oo lagu daah furayay mashruuc guriyayn loogu samaynayo dadka saboolka ah oo Jimcihii la qabtay.

Khan ayaa Khamiistii qaatay tallaalka COVID-19.

Dalkan ku yaalla Koonfurta Asia oo ay ku nool yihiin 220 milyan oo qof ayaa muddooyinkii u dambeeyay waajahayay sare u kaca kiisaska cusub ee COVID-19.

Sida ay sheegeyso xog ay baahisay dowladdu, 3,876 qof ayaa 24-kii saacadood ee la soo dhaafay laga helay COVID-19 – waa tiradii ugu badneyd ee hal maalin la diiwaangeliyo tan iyo bishii Luulyo – waxayna ka dhigeysaa tirada guud ee kiisaska COVID-19 ee dalkaasi 620,000.

Sidoo kale, 42 ayaa la sheegay in 24-kii saacadood ee la soo dhaafay ay u dhinteen cudurkan, taasi oo tirada guud ka dhigeysa 13,799.

Pakistan ayaa 10-kii March bilowday talaalka muwaadiniinteeda, iyada oo lagu bilaabay dadka waayeelka ah ka dib markii shaqaalaha caafimaadka ee safka hore ay muujiyeen walaacooda qaadashada tallaalka ay soo saartay China.

Tallaalada uu sameeyay Shiinaha ee Sinopharm iyo CanSinoBio, Oxford-AstraZeneca iyo tallaalka Russia ee Sputnik V ayay adeegsigooda oggolaatay Pakistaan.

REUTERS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here