Real Madrid oo usbuuca soo socda dhammeystireysa saxiixa Zlatan Ibrahimovic-ka Cusub

0
444

Real Madrid ayaa lagu wadaa in usbuuca soo socda ay dhammeystirto saxiixa Alexander Isak ee lagu naaneyso Zlatan ka cusub.

17-jirka reer Sweden ee iminka u safta naadiga AIK Solna ayaa la filayaa in arbacada soo socota ay wakiiladiisa u soo duulaan Madrid si ay u dhammeystiraan heshiiska.

Los Blancos ayaa laacibka la wareegi karta iminka laakiin waxay ku qasban tahay inay sugto ilaa suuqa xagaaga ee soo socda si ay u diiwaan gashato maadaama uu ganaax ka saaran yahay suuqa.

Isak ayaa soo booqday xerada tababarka Real Madrid ee Valdebebas bishii November ee 2016 waxaana saxiixiisa isku dagaalaya kooxo waa wayn oo ka dhisan Yurub.

Bayern Munich, Juventus iyo Chelsea ayaa dhammaan dalabyo u gudbiyay laakiin Real Madrid ayaa u muuqata inay ku guuleysatay tartanka loogu jiro The New Zlatan.