“Reer Saaxil-Oow Hadaad Ii Hiilin Waydeen Anaa Idiin Hiilinaya….” Musharrax Sucaad Carmiye

0
309

“Asc dhammaantiin.

Ugu horeyn waan idiin mahadnaqayaa meelkastood joogtaan.

Waxan ku faraxsanahay iney doorashadi si nabad ah inoogu dhacdo.

Ugu horeyn waxan u mahadnaqayaa qofkastoo itaagersanaa.

Waxan u mahadnaqayaa intii ilasoo shaqeysay muddadii aan ololaha kujirey ee 8-da Billood ahayd oo dhabar adayg farabadan ii muujiyey.

Waxan u mahadnaqayaa inta hiilka iyo Hoodaba ila garab taagneyd, waxan si gaara uugu mahadnaqayaa intaanu isasoo gaadhi kariweynay ee codkooda isiisay oon leeyahay waan idiin ogahay, waxan kaloon u mahadnaqayaa intii qalbiga iyo niyada iga taagersanayd, waxan u mahadnaqayaa intii iisoo ducaynaysay inaan guuleysto, dhamantiin waxan leeyahay waynu dedaalney oo meel fiican ayeynu nimi.

Markasta Qoraalka ilaahay ayaa qoran se inagu waynu dedaalney.

Ducadeenu waxey ahayd ilaahow kursigaas nagu guulee hadduu khayr noo leeyahay.

Reer saaxil waxan leeyahay goorkasta iyo goobkasta waan idinla joogaa.

Waxaanan ka aamusi doonin cadaalad darrada  iyo dulmiga saaxil taala ee dadka lagu hayo, waxaanan ka aamusi doonin dayaca reer saaxil ka muuqda.

inta iga danbeysa ee hammiga siyaasadeed leh jecelna inay kubiiraan kuraasta dalka looga arrimiyo ama mid Barlamaan ha noqoto ama mid deegaan ha noqotee waxan leeyahay,  cidna hawga habranina inaad isasoo sharaxdaan.

Waan kaga dhabeeyay ujeedkaygii ahaa inaan reer saaxil tuso in kuraasta cidkastaa geydo.

Ugu danbeyn waxan hambalyaynayaa intii kuraasta Golaha wakiilada  ku guuleysatey oon leeyahay ilaahay xilkaas aad qaadeen haydiin fudeydiyo.

Reer saaxil-oow hadaad ii Hiilin waydeen anaa idiin Hiilinaya.

Mahadsanidin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here