telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Reer Somaliland Waxay Dhawrayaan War Farxad Leh oo Ergaddu ugu Bushaareeyaan

Reer Somaliland Waxay Dhawrayaan War Farxad Leh oo Ergaddu ugu Bushaareeyaan

Mustafe Maxamed Nuur Dheereeye, Hargeysa

Shucuubta adduunyada waxay soo mareen xilliyo aanay haysan shanta maala adduun iyo kaabayaasha noloshoodu salka ku hayso, bulshooyinkaasi waxay soo mareen waqtiyo kala gedisan oo ay ku noolaayeen midhaha geedaha iyo ugaadhsiga, taas oo aan meel qorshaysan iyo xilli cayiman aanay ku talogeli jirin qadhaabsigaa ay ku noolaayeen.

Bulshooyinkan aan soo sheegnay waxay ku noolaayeen kaynta ama duudda, waxaanay u noolaayeen qof qof laba qof iyo wax aan sidaas uga sii badnayn, xilliyadaas waxaa isa soo beddelayay noloshaas goosan goosanka ah, waxaanna la dareemay in baahi weyn loo qabo in layska dugsado duruufaha nolosha qalafsan ee ay kala midka ahaayeey habar duggaag ama duur-joogta. Dadyowgaasi waxay isugu soo dhawaadeen lammaane lamamane ama kooxo is neef garanaya, waanna sida ay u unkantay in laga soo tafiirmo oday, isla markaana ubadkiisiina bataan oo kala guursadaan.

Dhacdooyinkaasi waxay gundhig u noqdeen inay isku abaabulaan qoomiyado iyo beelo iska garabsada caqabadaha aayahooda soo wajaha, waxa meelahaasi ka soo baxay boqortooyooyin ama maamulo u samaysmay duul hal Oday ka soo tafiirmay oo hab dhaxal ah ama hidde ah isku maamula, kuwaasoo wada hadhsada hal dhaqan oo ay gaar u leeyihiin, kuna soo caano maaleen. Qoomiyado kale ayaa iyaguna samaysmay kuwaas oo isugu taliya ama isku xukuma habab laysku xoog sheegtay layskuna xukumay sidii loo kala awood roonaa.

Halgankaas nololeedeed ee lala daalaa dhacay ayaa waxa uu soo gaadhay in ay salka dhigaan meelo cayiman oo ay ka yeeshaan qayrkood degsiimooyinkan ayay ka hirgaliyeen dhammaan kaabayaasha ay ku qotonto nolosha dadyawgani, xidhiidho loo baahi qabo ayay la bilaabeen shucuubta ay isku ologga yihiin, waxa la dhigtay axdiyo iyo xeerar lagu kala socdo ama nidaamo la raaco si loo illaaliyo danaha iyo wada noolaashaha ummaddahaasi

Soomaalidu ka mid ayay ahaayeen dadyowgaasi, waxay ku abtirsadaan xoolo-dhaqato, beero-falatana kamay madhnayn, waxay u soo joogeen, waayo Allaheen ugu deeqay duunyo iyo degaan ay ku tanaadeen waxay soo mareen xiliyo barwaaqo ah oo cad iyo caanoba lagu wadhwadhay. Nimcooyinkaas ayaa sababay in ummaddeenu yeeshaan ciyaar hidoodyo, gabayo, tiraabo, hal-ku-dhigyo iyo maahmaaho ay iskga saraysiinayaan qoomiyadaha kale.

Bakhaanbakha nabada odayaasha golxoshka ah ayaa ciyaarta botorka jaandheerta saylicida dhaantada islaba sadex iyo shanba rogaya, waa xilliyada la ducaysto ee ay xamdi naqaan geelasha waa la wada maalaa martida waa la sooraa inta xeryaha la galo ayaa baadidoonka iyo socotadaba loo qalaa wananka ama Orgida ugu tunka weyn.

Amintan oo ubooyinka iyo xeedhyahaba uu gingiman yahay cod-cod ama subag iyo hilbo solay ah jebdhen ayaa dhallinyarada la isku dhisaa lagu xididaa laykuna xooleeyaa reeraha hablaha kala guursada waa laysku xididiyaa laysku aaminaa layskuna ixtiraamaa.

Xilliyada colaadaha marka birta laga aslo qof aan Alah (SWC) dhiiggiisa banyan waxa bushadaasi soo waajahda xummaan dhexdooda gasha, taasoo aaminkii joogsado waxa madha dadkii isku ardaaga iyo ood wadaagta ahaa. Arladdii ammaanka iyo barwaaqada badnayd waxay isku rogtaa lama degaan dabayluhu wiifta hayaan. Gulufkaasi waxa uu sababaa in guri caska lagaga yaaco birmageydadda maatida jilicsan sida Ayeeyada iyo Awoowga halkaasi oo habar duggaag uu ku casheeyo, waxa qudha laga jaraa nin baadidoon ah ama nin faqiir ah oo xoolahii ka bexeen oo inan uu dhalay oo reerahan islaayay ay qabeen u soo xoolo doontay.

Cadradda wiilkeedii curad ee ay xambaarsanyd laga gawracay iyo gaaridda la ummula dooxay ayuu damiirka nooli ka murugoonayaa. Hambabarkaas iyo fidmooyinkaasi waxay galaaftaan nolosha sheikh iyo shariif aan dagaal iyo dil toona shuqul ku lahayn oo u geeriyooday dad ay isku qabiil noqdeen.

Cunfigaas iyo colaadahaasi waxay geyigii ladnaa ka dhigaan mid habaasku ka kaco xoolaha, ayaa madha xannuuno iyo macaluul ayaa la laasimaa taranta dadkuna way yaraataa diinteena macaana waxay ina fartay ammaanka

Haddaba, dadka walaalaha ah ee dagaalka Ceel-afweyn ka dhacay uu ka dhexeeyo waxaan ku adkaynayaa maanta gacantiina ayay ku jirtaa inaad inoo kala doortaan dadkeena oo tafiir go’a abaar iyo ooda lullul innaga oo bar xoolaad ka caydhoowna, dhagar-qabe walaakii gawraca ceel-biyoodadii oo gudha ama inay soo noqdaan barwaaqo, ammaan iyo nabad, tol iyo xiddid oo bannaankii iyo dooxooyinkii wacnaa ay ku soo noqdaan ugaadhii ama xoolahii ay caanka ku ahaayeen, idinkuna aad salaadahii jamaca ahaa aad wada tukataan. Gunnaanadkii, reer Somaliland waxay dhawrayaan war farxad leh oo ergadaasi ku bushaarayso.

Attachments area

934 total views, 0 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins