REERKAYAGA I DAYACAY

0
419

REERKAYAGA I DAYACAY
Muni waxay ahayd in da ahaan jirtay 19 sano waxay ku dhalatay magaalada hargeisa oo ay ku kortay waxaanay ka
baxday dugsi ka mida dugsiyada hargeisa ku yaala waxanay isku diyaarinaysay inay u wareegto jamacadaha dalka ka jiray mid ahaan.

Muni waxay ahayd inan u ah reerkoogo curad ama ciyaalkooga ugu wayn, reerka dhalay waxay iska ahaayeen reer maaliyad ahaan u dhisan jecelna awlaadooda siiyayna fasax oo dhan waxay doonaan si ay u sameeyaan.

Habeen habeenada ka mida, ayaa siday caadada u lahayd Muni u sii labisatay, goobaha dhalinyaradu iskugu yimaadan. Una raacday hablo ay asaxaab ahaayeen. Way baxday, goobtii iyada ahaydna way gaadheen. Waxa ay caweeyaan, oo ay qoslaanba waxa ilyartu is qabatay ,dhallintii goobta joogtay .

Muraad waxa uu ka mid yahay, dhallinta meelaha wanaagga lagu hayo ,aan waligii lagu arag. Kana mida ah wiilasha hablaha luggooya ee ku ciyaara. Muraaad waxa uu goobo dhawr ah, ku arkay Muna. Waxaanu ku talo jiray in uu mar uun gacanta ku dhigo. Inanku wuxu sidaa ahaadaba goobtii iyada ahayd laysku arag. Inankii Muraadna dhankaa iyo Muna ayuu u kici timay, meeshay ku caweenayeen ha tago salaan iyo soo dhawayn ka dib waxa la kala qortay numberadii waanay ka la tageen
Gurigoodii bay Muna ku hooyatay. Cabbaar markay joogtayna waxa soo qaraacay, inankii Muraad. way wada hadleen, waanay wada sheekaysteen, way ku qanacaday inankii Murad isna sidoo kale waxa uu muujiyey heellanaan.

Wuu la ballamay. Muna waxanay ku heshiiyeen, inay is arkaan habeenka Jimcaha kale soo galaayo. Waxaanay isla meel dhigeen kobta ay ka dhici doonto kulankooda kowaad Muraad waxa uu marayaa meelan rabay, roob ma igu helay. Waxa telefoonka layska waco oo is fahan doora la wado ba, waxa la gaadhay maalintii balantu ahayd. Goobtiina waa laysugu imid. Kulan dabadii iyo sheeko dheer oo dhex martay, waxa dhacday inay Muni xaggaa iyo xamaamka u kacado. Waxa yimi inankii dalabka ka qaadayay. Muraad wuu u sheegay dalabkii Muna, iyo kiisiba waxanu u dhiibay maandooriye.
Wuxuunu ku yidhi: “ Sharaabka Muna ku soo dar.”

Muna way ka soo baxday xamaamkii oo timid qolkii ay wada fadhiyeen Muraad. wuxu u sheegay, in dalabka wiilkii qaadayay u yimid oo uu labadoodaba u dalbay. Waxaa u ku yidhi: Ila tijaabi caawa dookhayga. Waxba kamay soo qaadine waayahay bay ku tidhi. Ammnkii cuntada ay dhameeyeen, ayay Muni ku tidhi: Walaalo waan dawakhsanahaye gurigii i gee. Sidii uu ka naxayo oo kale, ayaa intuu so booday ku yidhi :Bisinka walaalo inna mari ma xoog baad u dawakhsantahay, hore dawakhaada maad u lahaan jirtay. tolow maxaa sababay, tartiibtartiib usoo kac oo inna mari. Xisaabtii marku soo dhameeyay, ayuu Muna soo kaxeeyay. Wakhti yar gudihiiina way ku miyir beeshay. Muraadna waa intuu rabay waxaana uu geeyay guri. Hawlahii uu ka lahaa markuu fushaday, dantiisiina uu kaga dhamaystay kadib, wuu soo celiyay. Waxa aanu dhigay sees ka danbeeyay gurigooga oo madaw, waanu iskaga tagay.

Waxay Muna reerkoogi doon doonaanba, Muni waxay miyirsatay wakhti waa ku dhawaadkiiya. Xooga yar kadibna way aqoonsatay halkay joogto, iyadoo dhaqaaq aanu ku jirin, ayay kacday oo luuday illaa ay gurigoogi ka gaadhay. Albaabka aqalka markay gaadhay ayay haddana miyirkii ka tagay mar labaad. Waxa guriga soo gaadhay inanta aabbaheed oo baadi goobkeeda ku maqnaa, mise waa inantiisii oo guriga kidinkiisa hor taalla. Wuu ku soo cararay, oo gudaha ayuu geeyaya. Qolkeedii markii la dhigay ayaa dhakhtar loo cararay oo loogu yeedhay, dhakhtarkii baa baadhay. waxaanu u sheegay inantu, ina aanay caadi ahayn. Dhiigag buu halkii kaga qaaday, jawaabtiina Muna aabbaheed ba loo soo dhiibay. Dhakhtarku waxa uu aabbaheed u sheegay in inanta dhiiggeeda laga helay maandooriye.

Labadeedi waalid canaan iyo dagaal ayay ku miiseen, ceeb iyo fool xumana way u dhamaatay.
Markuu miyirkii usoo laabatay Muna, ayay hooyadeed ku tidhi hooyo maxaa igu dhacay? Wax kastana waa loo sheegay oo ku dhacay, in inan nimadeedi lagaga ciyaaray, daroogana lagu muday. Hooyadeedna waxay ku tidhi: Maad garanaysaa ninka. Waxay Muni ku jawaabtay, magaciisa iyo numberkiisa ayuun ban garanayaa, meel aan ugu hagaagaana garanayo.
Caloolyoow ciqaab ALLE iyo ceeb adduun ba way isku raaceen.

Akhriste sheekooyinka caynkana iyo kuwo ka daranba way dhacaan Ma aha ilmahaaga hadaad jeceshay in wax kasta uu jecelyahay aad u ogolaatid Nebi Muxamed SCW wuxuu sheegay in naftu waxyaabaha xunxun jeceshahay, naartaan ay waxay naftu jeceshay ku xeersinyahiin. Ilmahaaga naar hala jeclaan qofka laga xisaabinayaana ogsoonow waa adigee

Qalinkii Eng Hibo Ahmed Ismail