telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Rejo Beer, Geed Beer waxey bogaadinaysaa qaar ka mid ah ardaydda wax ka barata Jaamacadda Hargeysa gaar ahaan Kulliyadda ICT-ga

Rejo Beer, Geed Beer waxey bogaadinaysaa qaar ka mid ah ardaydda wax ka barata Jaamacadda Hargeysa gaar ahaan Kulliyadda ICT-ga oo go’aansaday inay xirfadoodda kaga qayb galaan Wacyi-galinta uu wado Barnaamijka Rejo Beer Geed Beer, iyaga oo sameeyey filim gaaban oo ku saabsan doorsoonka cimiladda iyo Abaaraha.

Filimku wuxuu sidoo kale ka waramayaa wax soo saarka beeraha ee hooseeya iyo sida aan uga hortagi karno abaaraha, sidoo kalena maalgalin ugu sameyn karno beeraha, si aynu u soo saarno Cunno ku filan dalka.

Waxa aannu rajeynaynaa in Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyigu taageeraan filimkan si Dhalinyaradda Fariintoodu u gaadho meel fog, isla markaana Film-ku wax ka badelo hab-fikirka bulshadda ee dhinaca Beeraha iyo ka hortaga abaaraha.

Sidaa darteed, in la dhiiri galiyo dhalinyaradaasi, waxey abuureysaa in ay dhalinyaro badan oo kale abuuraan fikrado wax badan ka taraya caqabadaha dalka haysta.

FG: Waa Muuqaalkani Waa Hordhicii filimka. https://www.facebook.com/RejoBeerGeedBeer/videos/1765161010446527/

429 total views, 0 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins