RIKOODHADII laga diiwaan geliyey goolashii ay kooxda Bayern Munich ku rusheysay Arsenal ee Champions League

0
582

Bayern Munich ayaa xalay 5-1 ku dhuftay Arsenal oo marti u ahayd lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League.

Kooxda ku ciyaarta garoonka Allianz Arena waxaa shanta gool ee u kulankan u kala dhaliyey (Robben 11′, Lewandowski 53′, Thiago Alcantara 56′, 63′ iyo Thomas Muller 88′), halka kooxda Arsenal goolka qura oo ay kulankan la timid uu u dhaliyey Sanchez 30’daqiiqo.

Haddaba halkaan hoose ka eeg RIKOODHADII laga diiwaan galiyey kulankan:-

>- Kani waxa uu ahaa kulankii 100-aad ee uu macallin Arsene Wenger meel ka baxsan garoonkiisa ku layliyo kooxda Arsenal tartammada Yurub.

>- Robben ayaa gool dhaliyey kulankiisii 100-aad ee uu ku soo bilowday safka hore ee kooxda Bayern gegida Alianz Arena.

>- Lewandowski ayaa dhaliyey 15 gool 13-kiisii kulan ee ugu dambeeyey oo uu Champions League ku ciyaaray garoonka Allianz Arena.

>- Sanchez ayaa toos ugu lug yeeshay 33 gool 31-kii kulan ee ugu dambeeyey oo uu ciyaaray tartammada oo dhan (20 gool waa uu dhaliyey, 13 kalena caawiye ayuu ka ahaa).

>- Bayern Munich ayaa guul gaartay 16-kii kulan ee ugu dambeeyey Champions League oo ay ku ciyaartay gurigeeda, waana rikoodhkeedii ugu dheeraa taariikhda tartankan, si kale haddii aynu u dhigno Bayern Munich ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee guul gaartay 16-kulan oo xiriir ah oo ay ku ciyaartay garoonkeeda Champions League.

>- Arsenal ayaa noqotay kooxdii ugu horreysay ee reer England oo goolal 200 ah looga dhaliyo Champions League.

>- Arsenal ayaa kulan gudiis looga dhaliyey 5 gool markii ugu horreysay tan iyo bishii November sanadkii 2015 oo isla kooxda Bayern Munich ay uga badisay natiijo tan la mid ah 5-1.

>- Arsenal ayaa guuldarro la kulantay lugta hore ee wareegga 16-ka Champions League lix xilli ciyaareed oo xiriir ah.

C4vOjRRWIAE-i5Y