Riyad Mahrez & Eric Bailly Oo Ku Jira Liiska Musharaxiinta Xiddiga Sannadka Afrika & Yaya Toure Oo Laga Soo Tagay (Liiska Oo Dhameystiran)

0
320

 

qore yaasir BR

Riyad Mahrez iyo Eric Bailly ayaa ka mid ah dhowr xiddig oo Premier League ka ciyaarta oo u tartamaya abaalmarinta Xiddiga Sannadka Afrika, laakiin xiddigii afarta jeer ku guuleystay Yaya Toure kuma jiro musharaxiinta.

Andre Ayew, Islam Slimani, Mohamed Elneny, Victor Wanyama, John Obi Mikel, Kelechi Iheanacho, Ahmed Musa, Yannick Bolasie, Sadio Mane iyo Wahbi Khazri ayaa sidoo kale ka mid ah xiddigaha Ingariiska ka ciyaara ee u sharaxan abaalmarinta.

Xiddiga Borussia Dortmund Aubameyang ayaa ku guuleystay abaalmarintaan sannadkii hore oo ay biixso xiriirka kubada cagta Afrika ee CAF ka dib markii uu wacdarro u dhigay kooxda Bundesliga ka ciyaarta.

Xiddiga reer Gabon ayaa sannadkii hore abaalmarinta ka qaaday Andre Ayew iyo Yaya Toure kaasoo si xun u hadlay markii uu Aubameyang ka guuleystay.

30 jirkaan ayaan lagu soo darin 30ka xiddig ee u sharaxan abaalmarint xiddiga sannadka Afrika ee 2016, taasoo u diideya inuu abaalmarinta hanto rikoor markii shanaad ah.

Samuel Eto’o ayaase ku jira musharaxiinta, waxaana uu rajeynayaa inuu rikoorkaas shanta jeer isna hanto abaalmarinta, halka xiddigaha kale ee sharaxan laga xusi karo Serge Aurier, Gervinho, Mehdi Benatia iyo Kalidou Koulibaly.

Halkaan hoose ka eeg liiska 30ka xiddig ee u sharaxan abaalmarinta xiddiga sannadka Afrika:Sida aad ka aragtay liiska warqada CAF qalad ayaa ku jira iyagoo Eric Bailly u qoray inuu u ciyaaro Manchester City laakiin daafaca Ivory Coast wuxuu u dheelaa Manchester United oo uu xagaagii kaga soo biiray Villarreal.