Ronaldo: “Brazil Waxay Niyad Jabisay Taageerayaasheeda”

0
729

Ronaldo: “Brazil Waxay Niyad Jabisay Taageerayaasheeda”

Hargeysa(Warsugannews)Weerar yahankii hore ee xulka qaranka Brazil ee Ronaldo Nazario ayaa ka hadlay guul- darrooyinka is xig-xiga ee ku dhacaya xilliyadii u dambeeyay xulka qarankiisa Brazil.
Xulka Brazil oo marti-galiyay koobkii adduunka ee 2014 oo si liita uga hadhay ka dib markii goolal baddan lagu xasuuqay, sidoo kale waxaa sannadkan laga soo reebay Copa America. Dhanka kale xulka qaranka Brazil ayaa guul-darro ku furtay kulankii ugu horeeyay ee is reeb- reebka koobka adduunka ee 2018 oo lagu qaban doono Ruushka.

“Waqtiyadii dambe sidan ayuu ahaa xaalada xulka kuwaas oo niyad jebiyay taageerayaasha, waxaan wajahaynaa dhibaatooyin iyo cadaadis marka laga hadlo u soo bixitaanka koobka adduunka ee 2018″ ayuu yidhi Ronaldo.
Gool ma gafihii hore ee Ronaldo ayaa aaminsan in xulkiisu uu ka sii liito haatan xulalka dhigooda ee Argentina, Chile, Colombia iyo Uruguay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here