Ronaldo iyo Mourinho oo lagu soo eedeeyay lacago canshuur ah oo ay la gembiyeen

0
453

Sida uu ku warramayo Wargeyska ‘Der Spiegel’ ee Jarmalka Weeraryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa tan iyo 2009 waxa uu lunsaday canshuur gaaraysa 150 Milyan oo Euro, hantidaas oo uu ku shubtay Akoonno Dibadda ah.

Wargeyskan oo ceebo badan kashifa ayaa waxa uu soo ogaaday in Cristiano Ronaldo iyo Tababaraha Manchester United ee Jose Mourinho labaduba ay ku eedeysan yihiin canshuurtaasi ay khiyaameen ‘Tax avation’.

Baaritaan ay sameeyeen 12 Wargeys oo Yurub ka soo baxa ayay ku dhow yihiin in saddexda usbuuc ee soo socota ay si rasmi ah u shaaciyaan fadeexaddan Isboorti.

Warbixinta Der Spiegel waxay tilmaamaysaa in Weeraryahanka Bortuqiiska ee Ronaldo uu 150 Milyan oo Euros ku qarsaday dibadda, iyadoo CR7 iyo Mourinho ay  Akoonno Switzerland iyo Biritish Virgin Islands ah lacago ku qarsadeen si ay canshuur bixin uga nabad galaan.

Lacagtaasi ayuu ka bixiyay 5.6 Milyan oo Euro oo qura oo wax u dhigma 4%.

Intii u dhexeysay 2009 ilaa 2014 waxa uu xuquuqda sawirradiisa u saxiixay shirkadda Tollin ee laga leeyahay British Virgin Islands, halkaas oo uu ku leexiyay 74.8 Milyan oo Euros.

Dhinaca kale Tababare Mourinho ayaa isna lagu soo eddeeyay inuu 12 Milyan oo Euros ku qarsaday Akoon ay Switzerland ku leedahay Shirkad ay leedahay British Virgin Islands.

Ugu dambeyntii Mourinho iyo C.Ronaldo ayaa la tilmaamayaa in ay ka faa’iideen System canshuur bixin ah oo uu u soo dhisay Wakiilkooda Jorge Mendes.