Ruushka oo ku dhawaaqay in uu hoos u dhigayo dhaq-dhaqaaqiisa ciidan ee Syria

0
389

Dawladda Ruushka ayaa billaabaysa in ay Suuriya kala baxdo xoogaggeeda iyo maraakiibta diyaaradaha xambaara sida uu sheegay taliyaha ciidammada Ruushka. Markabka dagaal ee la carabaabay in uu kasoo shiraacanayo dalka Suuriya dhawaan ayaa lagu sheegay Admiral Kuznetsov kaas oo aad u weyn.

Jeneraal Valery Gerasimov ayaa sheegay in wasaaradda difaaca ee Ruushku ay billaabayso in ay yarayso askarta ka joogta dalka Suuriya.

Qarammada Midoobayna ayaa sheegtay in xabbad joojintu ay si wayn uga dhaqan gashay Suuriya. Ruushka ayaa si wayn hawada uga duqeeyay jabhaddaha dawladda Suuriya ka soo horjeeda, waxaana ay taasi sababtay in dowladda Suuriya ay dib ula wareegto goobo badan oo horay looga qabsaday.