Ruuxdii Kacaanka Weli Nool !

0
774

Bilayskeenna waxaad moodda hab-dhaqankooga in weli ay joogaan waqtigii kelitaliska (Autocracy system) ee kacaanku hoggaaminaayay, illaa uu kuu hanjabo oo goolaaftamo oo giir iska kiciyo waxba kuuma sheegi karo askarigu, Haddi uu qaadayo tallaabo sharci illaa uu ku argagax geliyo tallaabo qaadimaayo. Waa sababta bulshadu u ixtiraami weyday, waxa ku jira shacabka iska caabbin iyo xasuustii askartii kacanaakii ee kibirka badnayd ee la gaadshsiiyay dadka kabtan kufay ku qosle.

Waxa loo baahan yahay dub u habayn Boolis oo sal iyo baar ah, in la dhiso akhlaaqiyaadka iyo qiyamka qofnimo ee askariga oo la fahmisiiyo shacabka in uu yahay adeege bulsho oo kaalin ugu jira ee aanay jirin caddaawad iyo dagaal ka dhexeyaa, in la dhiso aqoontooda oo la siiyo tababaro ka caawiya xuquuqda muwaadinka iyo xaqa ay leeyihiin maxaabiista gacantooda ku jirta. Waxa aad arkaysaa askari jidh dilaaya qof maxbuusa ama edaysane u gacanta ku hayo oo u haysta addoon la yidhi ciqaab.

Suuqyada marka aad marayso dhibta weyn ee lagu hayo dadka masaakinta ee wadhatada ah sida loo bahdilaayo ee alaabta looga daadinaayo ee aan loo moodayn in ay baahiyi soo saartay oo ay yihiin noole u baahan xurmo iyo xaqdhawr ayaad is weydiinaysaa, xorriyadii loo soo dagaalamay maxay ahayd? Dadka muwaadiniinta ah tacadiga ku dhacaaya miyaanay jirin dawladnimo darenta oo joojisa dhacdooyinka maalin laha oo u hiilisa hooyooyinka dulman ayaad niyada kanodhanaysa.

Haddi la dhiso qiyamka askariga ummadda u adeegaya way sahlantahay in shacabku fahmaan muhiimadda Booliska oo ay garab siiyaan, waa in la sameeyaa (community policing) ardayda da’da yar waa in lagu baro dugsiyada muhiimadda Booliska iyo adegga ay u hayaan bulshada oo lays fahamsiiyaa shacabka iyo Booliska xidhiidhka ka dhexeeya, xaaladda hadda lagu jiro ee u muuqa eeg kacaankii awoodda badnaana laga gudbaa oo ay jiraan dabbaro qabta askariga gefa ee adeegsada awood ka baxsan sharciga waxaana muhiima in la dhisi komishan madaxbanaan oo askarta ku ilaaliya sharciga.

W/Q Maxamed Sidiiq Dhamme

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here