“Saaxiibadey Waxaan Leeyahey ,Hankayga Hadaa Yaraysataan Idina Hankiina Gaadhi Maysaane Ogaada…” Xildhibaan Axmed Guruuje

0
260

Dhoonyacab dharaartii la qabtey”.

Dhoonyacab wuxuu ahaa nin geesi ah ,colwadeena oo abaanduule ah , kana dhashay beesha Ogaden reer cabdile oo ku noolaan jirey gobolka doolo qarnigii horre .

Dhoonyacab waqti waqtiyadda ka midda ayaa jufadoodii oo reer xirsi la odhan jirey is dishey dabeeto waa rag coloobey iyo caadkiiye waa la kala guurey .

Maalin maalmaha ka midda ayaa dhoonyacab oo meel iska maraya ilmaadeertiisii ay is hayeen qabteen , dabeeto waxay ku tashadeen dhoonyacab waa nin Wayn oo inagama go oo dili maynee aynu ka yeedhsiino hadal aynu hafhoow kaftanka kagga hello .
Dhoonyacab dabeeto waa loo yimi waxaana laggu yidhi dhoonyacaboow dardaaran , dabeeto wuxuu ugu jawaabey .
Anigana I dila idina waa I daba gelaysaane
Aqal labadii daah baynu nahey oo kala danbayn mayno
Dan halooga baxo reer xirsaa doortay aakhiro e .

Imika waa halkii dhoonyacabe saaxiibadey waxaan leeyahey ,hankayga hadaa yaraysataan oo I dhagaysan waydaan idina hankiina gaadhi maysaane ogaada ilayn faraha laggu kala badinayo fartayduna way ku jirtaa In fartayda halkaa u taago guushu ku xidhantahayna lagaba yaabee.

W/Q Xildhibaan Axmed Guruuje

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here