telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Sababta Ay Dalalka Faqiirka Ahi Ugu Horumari Waayeen Caawimada Reer Galbeedka

Sababta Ay Dalalka Faqiirka Ahi Ugu Horumari Waayeen Caawimada Reer Galbeedka

“Ragga maalqabeenka ah ayaa u taliya bulshooyinka maalqabeenka ah, waxa aanay ku loollamaan sidii ay saami ka badan inta ay haystaan uga heli lahaayeen khayraadka iyo talada, cid kasta oo jidka ay damacoodaas u marayaan hor istaagtana si bilaa naxariis ah ayaa ay u xaadhaan. Kooxdan waxaa gacansiiya dadka maalqabeenka ah ee ku nool dawladaha gaajoonaya, inta dadka soo hadhayna, (Fuqaradii) kuwan ayuun baa ay u adeegaan, waana ay silcayaan” Ereyadaas xanuunka badan ee sawiraya sida dunida aynu maanta ku noolnahay u tahay duni ka xoogga iyo xoolaha badani uun ku badbaadi karo, waxa aan ka akhriyey buug uu qoray mufakarka Maraykan ee Nacuum Shomiski (Noam Chomsky) oo la yidhaahdo ‘World Orders Old and New”.

Buuggan ‘Nidaamka caalamiga ah ee hore iyo ka cusub” oo soo baxay sannadkii 1994kii waxa uu qoraagu dib u eegayaa xaaladda dunidu sidii ay ahayd qarnigii u dambeeyey, isaga oo si gaar ah u fiiranaya sida uu xaalku isu beddelay intii ka dambaysay burburkii midowga Soofiyati. Waxa aanu si aad ah u naqdinayaa siyaasadda arrimaha dibadda ee dalalka reer galeedka oo ku salaysan istaraatijiyad Imbaraadooriyadeed oo ah in gacanta ay ku dhigaan talada dhaqaale iyo nidaamka siyaasadeed ee dunida. Dhinaca kalana mufakarku waxa uu tooshka ku shidaya kala-tagsanaanta weyn ee u dhaxaysa maalqabeenka iyo dadka caydha ah ee dunida, iyo gaar ahaan Maraykanka, oo dabcan ka mid ah sababaha u sahlaya in ay dunida maamulaan.

Qoraalkan Nacuum waxa uu igu dhiirriyey in aan dib u akhriyo mawduucyada kale ee laga qoray isla faqriga, iyo kala tagsanaanta dakhli iyo nololeed ee maalqabeenka iyo caydha dunida.

Waxa aan in badan maqlayey dalalka hodanka ah oo ku andacooda in masuuliyad damiirkoodu uu saaray iyo xil ay bulshada dunida kula dhaqan iska saarayaan awgii, ay ku hawlanyihiin sidii, sidooda oo kale ay dunida ka hadhay faqriga uga saari lahaayeen. Dhaq-dhaqaaqyo muujinaya gargaar iyo deymo kala duwan oo ay muddo dheer siinayeen dalalka faqiirka ahna waa aan maqlayey, waxase aan jawaab u la’aa sababta aanay weli u dhicin, in dalalka faqriga ah ee la gacan qabto qaarkood ay kor u soo kacaan oo la arko iyaga oo isku filnaanshiyo gaadhay ama dhaafayba oo cid kale markooda sii gacan qabanaya.

Faduulinimadu waxa ay igu sii aroorisay qoraallo door ah oo laga dheehan karo sababta keentay in dalalka iyo dadyowga faqiirka ah ee dunida uu faqrigu si xawli ah ugu sii bato iyada oo dhanka kalana maalqabeenka dunidu ay si xawli ah u sii taransanayaan dhaqaale badan.

Waa ay caddahay in hoggaanka siyaasadeed ee dunida ay gacanta ku hayaan dad aynu ku magacowno siyaasiyiin, laakiin runta dad badan ka qarsoon ayaa ah in cidda run ahaan gacanta ku dhigtay siyaasadda dunidu ay tahay dadka jeebkoodu buuxo, aynu si kale u nidhaahno ee “Siyaasigii iyo maalqabeenkii ayaa nin keliya isku noqday”.

Waxa aan cidna ka qarsoonayn in maalqabeenku uu yahay ruux faa’ido-doon u go’ay oo dantiisa koowaad ay tahay in uu u dadaalo sidii ilihiisa dhaqaale ay u sii tarmi lahaayeen maalkiisuna u sii naaxi lahaa, mar haddii ay himiladoodu taas tahayna waxaa ku adkaata in ay kala saaraan dantooda gaarka ah iyo shakhsiyaddooda qofnimo, waxaana meesha ka baxda ka fikirka danta guud.

Dagaallo badan oo dunidan ka dhacay waxaa sabab u ahaa dano iyo damac shakhsiyadeed oo dhaqaale ku salaysan, siyaasadana aan xidhiidh la xusi karo la’ lahayn. Bal taariikhda dib u raac, Maxaa sababay in sannadkii 1989kii uu Maraykanku qabsado dalka Panama? HAA, waa aynu ku dari karnaa dagaalladii Ciraaq lagu qaaday ee koowaad iyo labaad, marinka Suweys ee 1956kii iyo qaar kale oo badan, in kasta oo laga yaabo in qaarkood lagu kala aragti duwanaado. Waxba yaanu warku ila taraarin.

Weli ma’ is weydiinnay sababta deymaha iyo caawimooyinka joogtada ah ee dalalka ladani bixiyaan ay waxba u tari waayeen dalalka faqiirka? Weligaa ma maqashay dawlad faqiir ahaan jirtay oo ka hodantay caawimada iyo deymaha reer galbeedku bixiyo? Inta aynaan jawaabtan gudo gelin, marka hore ila dhugo xogahan aniga dareenkayga taabtay ee ina tusaya kala tagsanaanta dakhli iyo nololeed ee u dhexeeya dadka tirada yar ee maalqabeenka ah iyo balaayiinta caydha ah ee dunida joogta:

– Dadka dunida ku nool boqolkiiba 16 keliya ayaa isticmaala boqolkiiba 80 khayraadka dunida, inta soo hadhay dadka dunida oo ah boqolkiiba 84, waxa ay qaybsadaan boqolkiiba 20 keliya ee ka soo hadhay khayraadka dunida, waana sababta keentay in Balaayiin dad ah ay ka maqan yihiin aasaasiyaadkii noloshu, sida biyihii, cuntadii, hoygii iyo fayo-dhowrkii. (http://edition.cnn.com/US/9910/12/population.cosumption) weliba boqolkiiba 16 kaas dunida kelidood cuna cid muuqataa ma soo raacdo dalalka Maraykanka, Yurub iyo Jabaan.

– Arrinta ka sii yaabka badani waxa ay tahay in Shanta boqol (500) ee qof ee ugu maalqabeensan dunidu ay haystaan hanti u dhiganta 1.9 Tirilyan oo doolar, taas oo ka badan wadarta (Isu-geynta) miisaaniyadda qaran ee 170 dal oo faqiir ah. (World Centeric Org.)

– Boqolkiiba 12 ah dadka dunida ee ku dhaqan dalalka hodanka ah ayaa cabba boqolkiiba 85 biyaha dunida. (World Centeric Org.)

– Qaaraddeenna marka aynu si gaar ah ugu nimaadno; Kala badh dadka reer Afrika gaar ahaan Afrikada madow waxa ay maalintii baxdo iyo dhacdo quutaan wax u dhigma, in ka yar hal doolar. Waana halka uu dunida faqriga ugu badani ka jiro. (World Bank 2008, Pg 11, Table 3) Weliba ayaan darrada ka sii weyni waxa ay tahay in faqrigaasi uu yahay mid muddooyinkii u dambeeyey kor u sii socday.

– Lixdankii sano ee ugu dambeeyey dalka Maraykanka iyo dalalka kale ee reer galbeedku Laba Tirilyan iyo badh doolar ayaa ay ku bixiyeen ol’olayaasha ay ku caawiyaan dalalka faqiirka ah. Laakiin illaa hadda ma’ jiro dal keliya oo lagu guulaystay in faqriga laga saaro oo yaanu cid kaleba caawin ee gaadhay uun heer uu isagu baryada ka kaaftoomo.

Intani waa tusaale aad u kooban oo inoo muujinaya halka uu xaalka faqri ee dunidu marayo, culayska ay arrintani leedahay iyo calool xumada ay inagu haysana, waxaa ka sii daran in ay tahay xaalad si ba’an u sii kordhaysa oo aan weli xal loo helin ama aynu nidhaahno aanay aadamihii arrintaas geli kari lahaa doonayn in ay wax ka qabtaan.

Marka aad akhrido caawimooyinka iyo deymaha xadka ka baxay ee ay dalalka faqiirka lagu tilmaamaa helaan ee aad la akhrido warbixinaha quruxda badan ee haayadaha samofalka iyo horumarinta dunidu ka diyaariyaan, haddii aanad dib u fiiran xaalka dhabta ee dalalkaas faqiirka ah yaalla, waxa aad si dhaqso ah ugu qaadanaysaa in heerka horumar ee dunid uu kor u sii kacayo, iyo in caawimada iyo deymaha dalalka hodanka ahi bixiyeen ay janno ka dhigaan dalalka faqiirka ah, laakiin tiro-koobyada runta ah ee soo baxayaa waxa ay muujinaysaa arrintaas lidkeeda.

Bal aynu eegno Haddii Alle idmo….

Source-Geeska

582 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins