Sacuudiga Oo Shuruud Adag Ku Xidhay Soo Celinta Cilaaqaadka Maamulka Israa’iil

0
328

Wasiirka arrimaha dibedda ee boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegay in heshiiska suurtagalka ah ee soo celinta cilaaqaadka Israe uu ku xidhan yahay horumarka geeddi-socodka nabadda, sidoo kalana uu ka faa’iideysan doono gobolka.

 

Wasiirka oo wareysi siinayay warbaahinta khamiistii lasoo dhaafay ayaa sheegay in xidhiidhka Israa’iil oo caadi laga dhigo ay keeni karto faa’iido baaxad leh oo gobolka guud ah, wuxuuna dhan walba ka tusay bulshooyinka waxa faa’iido ku qarsoon in la wanaajiyo maamulka Israa’iil.

“Waxay aad u caawin laheyd dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo dhanka amniga,” ayuu ku yidhi wareysiga uu siiyay CNN, isaga oo intaa raaciyey inay macquul noqon karto heshiiska hadii la helo dowlad Falastiin ah oo ku taal xuduuda 1967.

Sacuudi Carabiya waxey doonayaan in Falastiin ay noqoto dal madax bannaan sidii ay kal hor sheegeen, waana faallo la mid ah mid ay hadda ka hor dhiibtay, iyadoo arintaan ay tahay mid aan la ogeyn saameynta ka dhalan karta

“Waxa aan u baahanahay inaan ka dhabeyno waa heshiis nabadeed oo u horseedaya dowlad Falastiin sharaf leh iyo madaxbannaanida lagu shaqeyn karo oo Falastiiniyiinta ay aqbali karaan” ayuu yidhi Amir Feysal sanadkii hore.

Boqortooyada Sacuudiga waxa ay muddo badan ku fakareysay soo celinta xiriirka Israa’iil, balse waxey ku adkeysaneysaa iney ku tala jirto tallaabo lagu beddeleaayo abuuritaanka dowlad Falastiin ah oo ka dhaxeysa xuduudaha 1967.

Dalalka xulafada la ah Sacuudiga ee Imaaraadka iyo Baxreyn ayaa xidhiidhka Yahuuda kusoo celiyey heshiis uu soo agaasimay madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, waxaana jirtay in Falastiiniyiinta ay si adag u cambaareeyeen, walow dadka qaar ay wali tuhunsan yahiin in Sacuudiga ay raaci doonaan kuwa ka horreeyay iyadoo aan la eegeynin danaha reer Falastiin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here