Safaaradda Somaliland Ee Imaaraadka Carabta Oo Dhigeeda Taiwan ka Gudoontay Agab Camputero Ah Oo Ay Ugu Deeqay Qaar Ka Mid Aha Jaamacadaha Dalka + Sawiro

0
503

Safaaradda Somaliland Ee Imaaraadka Carabta Oo Dhigeeda Taiwan ka Gudoontay Agab Camputero Ah Oo Ay Ugu Deeqay Qaar Ka Mid Aha Jaamacadaha Dalka

Dubai(WSN)Safaaradda Somaliland ay ku leedahay Imaaraadka Carabta ayaa xafiiskeeda Dubai ku qaabishay Safiirka Dalka Taiwan u fadhiya Imaaraadka Carabta, iyadoo uu qaabiley wakiilka Somaliland ee Imaaraadku, Amb Baashe Cawil Cumar oo ka gudoomay Agab Kumbiyuutaro (Computers) ah oo ay safaaradda Taiwan ugu deeqday Jaamacadaha Qaranka Somaliland ee ka dhisan Gobolada Sool, Sanaag, Saaxil, Togdheer iyo Gabiley.
Safiirka Somaliland Amb Baashe oo isagu mudooyinkii u dambeeyey ku hawlanaa sidii safaaradda Somaliland ay guullo wax ku ool ah u soo gaadhsiin lahayd Qaranka Somaliland ayaa tallaabadan uu qaaday waxay ibofur u tahay xidhiidh wanaagsan oo dhex mara Waddamada Somaliland iyo Taiwan, taasi oo ay ka dhalan karto xidhiidh wada shaqayneed oo shacbiga iyo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland u horseeda horumar dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsigaba muhiim u noqda madaama oo ay Taiwan tahay dal ku caana wax soo saarna qaybihiisa kala duwan.
Agabkan uu la wareegay Safiirka Somaliland ee Imaaraadku ayaa noqon doona mid loo qaabeeyey sidan hoos ku xusan loona gaadhsiin doono sida ugu haboon Jaamacad walba oo ka mid ah Jaamacadaha loo qorsheeyey iyo tirada loo cayimayba:
1. Nugaal University, Laascaanood, 10 Computers (Laptop)
2. Burco University, Togdheer, 10 Computers (Laptop)
3. Berbera Maritime University, 10 Computers (Laptop)
4. Tima-cade University, 10 Computers (Laptop)
5. Ceerigaabo University, 10 Computers (Laptop)

Tirada Guud ee Kumbiyuutaro (Computer Laptop) ayaa dhamaa 50 Computer, ka dib markii kulankaasi ay labada Safiir kula kala wareegeen agabkaasi waxa safiirka Somaliland Amb Baashe uu dhigiisa Taiwan gudoonsiiyey Shahaado sharaf ka turjumaysa, sida ay Taiwan isaga xilsaartay inay dhinaca aqoonta gaar ahaan Tiknoolajiyada (technology) yada ay uga saacidaan Jaamacadaha Qaranka Somaliland.
Dalka Taiwan oo ah dal Somaliland ka caawiya dhinaca waxbarashada ayaa sanadkii hore horaantiisa, waxa safar shaqo ku tegay wefti wasiiro ah, safarka ka dib waxay dawlada Taiwan deeq waxbarasho (scholarship) ah u bilowday inay sanad walba laba arday oo reer Somaliland ah ay siiso deeqdaasi waxbarasho, kuwaasoo wax ku soo baranaya Jaamacadaha Taiwan, waxaana xusid mudan oo door muhiima ku leh deeqdaasi waxbarasho ee Taiwan safaarada Somaliland ee UK, oo xidhiidhkaa waxbarasho ku suntan ama la soo mariyo.
Sidoo kale waxa Imaaraadka Carabta ku sugan Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isna booqasho ku tegay Xafiiska Safaaradda Somaliland ay ku leedahay Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu ku soo dhaweeyey Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Amb Baashe Cawil iyo Hawl-wadeenada safaaradaasi.

0000

0001

0002

14139037_1032730013508348_1695812147_o

14152261_1032729973508352_2094899446_o

WhatsApp Image 2016-08-26 at 11.52.39 AM

WhatsApp Image 2016-08-26 at 11.53.39 AM

Wa-bilaahi Tawfiiq