Safiirka Imaaraadka Carabta Mr. Baashe Cawil oo tafaasiil ka bixiyey xaalada Caafimaad ee Xaaji Cabdi-kariim (Cabdi-waraabe)

0
413
????????????????????????????????????

Safiirka Imaaraadka Carabta Mr. Baashe Cawil oo tafaasiil ka bixiyey xaalada Caafimaad ee Xaaji Cabdi-kariim (Cabdi-waraabe)
Dubai- Safiirka Imaaraadka Carabta u qaabilsan Somaliland Mr. Baashe Cawil Cumar ayaa shaaca ka qaaday in xaalada caafimaad ee Xaaji Cabdi-kariin Xuseen (Cabdi-Waraabe) si wanaagsan loo baadhay, isla markaana uu marti u yahay dalka Imaaraadka wakhtigan.

Mr. Baashe Cawil oo maanta tafaasiil dheeraad ah ka bixiyey xaalada caafimaad ee Xaaji Cabdi-kariim ayaa sheegay inuu meel fiican marayo, maalmaha soo socdana dalka ku soo laaban doono, waxaanu yidhi,
“Xaalada caafimaad ee Xaaji Cabdi-kariim meel fiican ayey maraysaa, si wanaagsana waxa loogu baadhay Cusbitaalka Al- Khaliifa ee magaalada Abu-Dhabai.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyey.

“Xaaji Cabdi-kariim markuu gaadhay madaarka Dubai, waxa hawshiisa la wareegay oo marti uu u yahay dawlada Imaaraadka Carabta, waxaana isaga, xaaskiisa iyo inan uu awoow u yahay la degay hudheel weyn.”
Mr. Baashe Cawil ayaa sheegay inuu maalmaha soo socda ku soo laaban doono dalka, waxaanu yidhi,
“Xaaji Cabdi-kariim maalinta Arbacada ayaa la filayaa inuu ku soo laabto dalka, xaaladiisuna Ilaahay mahadii way wanaagsan tahay, muhiimadii loo keenay dalka Imaaraadkana waanu gaadhnay, oo waxa hawshiisa la wareegay wasaarada Madaxtooyada Imaaraadka.”

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya muddo usbuuc ah dabadeed markii Xaaji Cabdi-kariim loogu qaaday xaalad hubin caafimaad dalka Imaaraadka Carabta, oo madaxweynaha JSL, Md. Axmed Maxamed Siilanyo uga dalbaday martiqaadkiisa.