Salaadiin kasoo horjeestay qaabka loo qeybiyay xubnaha Aqalka Sare ee G. Waqooyi

0
425

Salaadiin ka soo jeeda Gobolada waqooyi ayaa soo gudbiyay dacwad ka dhan ah hab raaca iyo sad qeybsiga kuraasta Aqalka sare ee 11-xubnood loo qoondeeyay Gobollada waqooyi.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in aan lagu soo darin qoondada 11 xubnood beelaha laga tirada badan yahay ee dega Gobolada waqooyi.

Hadaba war saxaafadeedka ka soo baxay Salaadiintan ayaa sidan u qornaa:-

Ujeeddo: Dacwad ka dhan ah hab-raaca iyo sed-qeybsiga kuraasta aqalka sare (11) ee loo qoonddeeyey Gobollada Woqooyi ee ka qatanaa kurasta aqalka sare

November 30, 2016-Annaga oo ah odayaal-dhaqameedka hoos ku saxeexan, waxan si sharaf iyo xurmo leh idiinku soo gudbbinaynnaa dacwad ka dhan ah habka loo maamulay sed-qaybsiga xubnnaha kuraasta aqalka sare ay ku yeelanayaan Gobollada Woqooyi ee 11ka ah. Kuwaas oo loogu tala-galay in ay si xaq ah u qaybsadaan beelaha deggen Gobollada Woqooyi ee aan hore wax uga helin kuraasta aqalka sare, sida ku qeexan warqaddii sumaddeedu ahayd Ref: 1449/10/1/9/16 ee ka soo baxday guddoomiya Golaha Shacabka ee ku taariikhaysnnayd 10/11/2016.

Qoonddada 11ka kursi waxa loo saaray guddi fulineed oo toddoba xubnnood ah (7) ah ( Isaaq 5, Gadabuursi iyo Ciise oo min hal ah), oo aan waxba lagaga soo darin dadka laga tirada badanyahay, wada-tashi baahsanna laga samayn cidda xubin ka noqonaysa guddidaas

Waxan halkan ka caddeeyneynnaa in:

Sida guddidan loo habeeyey, oo 5 xubnnood oo isku beel ah iyo laba dadka kale ah oo aan wada tashi buuxa ku iman, loona fasaxay in ay hal-dheeri wax ku ansixiyaan, taas oo suura gelinaysa in ay go’aan ka gaadhi karto beel kaliya, sida ka muuqata warqaada ka soo baxday guddida 24kii November 2016 ee ay tartamayasha ku soo gudbinayaan iyada aan heshiis laga gaadhin sed-qaybsigii

Haddii qaybinta kuraasta aqlaka sare, keliya, ku salaysantahay gobollo, Gobollada woqooyi waxay heli lahaayeen 15. Sida waadanka intiisaa kale ka muuqata, sed-qaybsigu waa in u tix-geliyaa beelaha ku dhaqan gobollada oo ay qayb ka yihiin kuwa laga tirada badanyahay.