Saldhiga Milateri Waa Quwad iyo Xoog Usoo Kordhay Qarankeena Somaliland

0
498
????????????????????????????????????

Saldhiga Milateri Waa Quwad iyo Xoog Usoo Kordhay Qarankeena Somaliland

26 sano ka dib waxaa hubaala in Somaliland qaaday wadadadii Aqoonsiga ee ay kaga mid noqon lahayd quwadaha aduunka, Axmed Maxamed Siilaanyo Madaxweynaha Jamhuuryiyadda Somaliland wuxuu hogaamintiisa ku keenay siyaasad waayo aragnimo leh oo qaranka u faaido ah, mudadii uu Hogaanka waddanka hayeyna waxaa dalka usoo kordhay horumar balaadhan.

Heshiiska Saldhiga Milatery ee laga Hirgelinaayo Magaalada Berbera gaar ahaan Madaarka Berbera International Airport , waxa uu soo kordhin doonaa faaidooyin badan oo ay ka mid tahay in Somaliland hesho Ictiraaf caalamiya sidoo kalena ay kusoo jeestaan Wadamo badan oo aduunyada ka mid, waxaana ay noqon doontaa quwad haysata garab iyo difaac ay isku halayn karto, sidoo kale tababaro heer caalami ah heli doona Ciidamada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaa Geesinimo leh Idmanayaasha uu Madaxweynuhu u wakiishay Hirgelinta Heshiiskaasi oo runtii ka dhameeyey kuna dhacay horumar balaadhan oo qaranka usoo hoday, Heshiiska Shaldhigan iyo heshiiskii hore ee horumarinta Dekeda Berbera waxaa ku suntan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland kaasi oo mudadii xilka hayey ka dhabeeyey wax badan oo dadka reer somaliand ku taamayeen.

Somaliland Hore ayey u soconaysaa cidna looga cabsan mayo qarankani waa taabo galay shalay wuxuu soo maray duruufo iyo dharaaro adag waxaana dhacamahaasi kasoo saaray ragg uu kow ka yahay Madaxweyne siilaanyo iyo inta la jaalkaa, Somalialnd mustaqbalkeedu waa dhalinyaradeda dhalinyarada Somaliland maanta joogtaana waa Aqoonyahan garan kara halka uu mustaqbalkoodu ku jiro.