Sanad Guurada Maalinta Wadajirka iyo Waxqabadka Dhalinyarada Somaliland oo ka dhashay Barnaamijkii War iyo Wacaal ee Sharmaake Geelle oo Xalay Hargeysa laga Xusay +Sawiro

0
429

Sanad Guurada Maalinta Wadajirka iyo Waxqabadka Dhalinyarada Somaliland oo ka dhashay Barnaamijkii War iyo Wacaal ee Sharmaake Geelle oo Xalay Hargeysa laga Xusay

Hargeisa “Warsugannews” Waxay ahayd xalay kadib markii dhamaan gobolada kala duwan ee Somaliland dhalinyaro kasoo kala kicitimay ay ku kulmeen hudheelka Safaari ee ku yaala daanta galbeed ee Caasimada Hargeisa

Ujeedada munaasabadan kulmisay gobolada Awdal, Maroodijeex, Saaxil, Togdheer, Sanaag iyo Sool ayaa ahayd kadib markii sanad kahor 19.06.2015 uu Sharmaake Geelle isla hudheelkan ku qabtay barnaamij loogu magac daray WAR IYO WACAAL, kaasoo ka hadlayey xaaladaha iyo horumarka la haybsan karo ee uu ku soo arkay dalalka UK, Germany, Sweden, China iyo Malaysia oo uu socdaalo ku tegay warkhtiyo kala duwan isla markaana goobtii ay kaga dareen celiyeen dhalinyaradii haldoorka ahayd ee madasha soo buux dhaafiyey iyagoo qaatay fariinta ah in dal walba ku horumaro marka bulshadiisu si dhab ah u fahanto macnaha iskaa-wax u qabsada.

Iba-furka Maalinta Wada jirka iyo Waxqabadka oo ay 19-06-2015 iclaamisay Hoodo Ayaan Suldaan Aadan Faarax oo madashii habeenkaas sanad kahor ka jeedisay qudbad dareenka umada soo jiidatay halkaas oo ay ka cadaysay in maalintan oo kale bil walba oo ku aadan 19-ka laga dhigto maalin ugu yaraan waxyar lagu soo kordhiyo dalka maadama barnaamijkan oo kale aanu ahayn mid hadal uun lagu kala tago balse xustay in hadal bilaa hawl ah hawo yahay.

Haddaba, xalay oo ku beegnayd sanad kadib habeenkii dhalinyaradu dalku ku balameen in ay dalkooda wax u qabtaan iyaga oo aan xil iyo xoolo toona haysan balse dareen iyo daacadnimo ku hawl galaya ayey Sahra-kiin Cabdiraxmaan Axmed Madasha ku soo bandhigtay 12 wax qabad oo ay bahda Wadajirka iyo Waxqabadku ka fuliyeen sanadkii lasoo dhaafay dhamaan gobolada dalka oo dhan
Waxaa sidoo kale xusid mudan in Dhalinyarada gobolada kala duwan kasoo kala kicitimay ay intooda badan hogaaminayeen masuuliyintoodii heer gobol iyo heer degmo sida: badhasaabka Gobolka Togdheer, Badhasaabka Gobolka Sanaag, Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Saaxil, duqa degmada Burco, duqa degmada Gabiley Xoghayaha degmada Berbera iyadoo sidoo kalena ay madasha ku sugnayeen xoghayaha caasimada iyo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga

Gabo-gabadii munaasabadan oo qudbado kala duwan laga jeediyey ayaa la isku bogaadiyey qiimaha hawshii lasoo qabtay iyadoo sidoo kalena loo balamay sanad kale oo ay bahda Wada jir iyo Waxqabad sii kordhiyaan hawlihii ay qabanayeen.

Isku soo wada duuboo barnaamijka wax-qabad ee bahda Wadajirka iyo Waxqabadku ku hawlanayeen sanadkii lasoo dhaafay ayaa lagu xasuusan doonaa
– Wacyigalinta iyo Caawinta Masaakiinta
– Wacyigalinta iyo Dhir beerista qor u qaadaysa bilicda magaalooyinka
– Wacyigalinta iyo Qaybinta koodhadh dugsi uga noqdo masaakiinta aan tahli Karin in ay iibsadaan
– Wacyigalinta Dareen wadareedkii ay ku qaabileen masiibooyinkii dhalinyarada soo wajahay
– Wacyigalinta iyo Qaybinta buuggaag iyo balcad ardayda aan tahli Karin in ay iibsadaan
– Wacyigalinta iyo dhigida qalabka qashinka lagu rido magaalooyinka
– Wacyigalintii iyo gurmadakii ay dhalinyada dalku kaga qayb qaateen abaarhii ba’naa ee dalka ka dhacay

Haddaba, maalinta 19-ka Bilwaba ayaa si rasmi ah imika Somaliland dhalinyaradu ku nool u dareensan yihiin in ay tahay maalintoodii ay dalkooda iyo dadkooda wax gashan lahayeen iyadoo War iyo wacaal-kadibna lagu talaabsaday Wadajir iyo Waxqabad

13428451_1630763707241440_850635378171445121_n

13432293_1136106633113410_8631866202882830663_n

13442309_1095302637224517_8266687746809115759_n

13510849_1166282476762393_2569531186887758194_n

13512137_1095308433890604_3940883935105569082_n

1

3

7

7_1

8.

8

9

11.

13428013_1166283203428987_3523864372541021476_n

13428013_1166283203428987_3523864372541021476_n_1

13428451_1630763707241440_850635378171445121_n

13432293_1136106633113410_8631866202882830663_n

13442309_1095302637224517_8266687746809115759_n

13510849_1166282476762393_2569531186887758194_n

13512137_1095308433890604_3940883935105569082_n