SAWIRO: Ciidamo cusub oo si lama filaan ah uga soo dagay magaalada Muqdisho

0
440

Ciidamo cusub oo ka socda dowladda Burundi ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Ciidamadaan ayaa waxaa ay ka qeyb yihiin howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM,Waxaana ay badalayaan ciidamada guutada 34-aad ee dowladda Burundi ee ku sugan Soomaaliya.

Leonidas Nsingirankabo oo ah Taliyaha Ciidanka Guutada cusub ee soo gaartay Soomaaliya ayaa sheegay inta ay joogaan Soomaaliya in ay waxbadan ay kusoo kordhin doonaan Ammaanka dalka.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay si wanaagsan ula dhaqmi doonaan Bulshada Soomaaliyeed oo ay u yimaadeen in ay caawiyaan.

Amisom-1Amisom-6Amisom-4Amisom-3Amisom-2