SAWIRRO:Dibadbaxyada looga soo horjeedo Donald Trump oo habeenkii afaraad ka socda dalka Mareykanka

0
404

Waxaa habeenkii afaraad ka socdo magaalooyin badan oo ku yaal dalka Mareykanka dibadbaxyada lagu diiddan yahay ninka loo doortay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaas oo ku guuleystay doorashada 8-Novembar.
Wararka ka imaanaya magaalada Portland ee gobolka Oregon ayaa waxaa ay sheegayaan in ruux hubeysan uu oodda rasaas uga qaaday dad bannaanbaxayay kaas oo geystay khasaare dhaawaceed.
Sidoo kale mawaaxiga Morrison Bridge ee isla magaalada Portland ayaa waxaa ka socda dibbaxyo rabshado wata oo lagu dhagxeynayo ciidamada booliska.Magaalada Los Angeles in ka badan saddex kun (3000) oo dibadbaxayaal ah ayaa waxaa ay ku mudaaharaadayaan bartamaha magaalada, waxaana ay dibadbaxayaasha ku dhawaaqayaan halkudhigyo ay ka mid yihiin «Not my president» iyaga oo boorar wata.
Dibadbaxyadan oo marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya ayaa waxaa aysaameynayaa isusocodka magaalooyinka, iyadoona dibadbaxayaashu ay marwalba xirayaa wadooyin cusub.