Seddax Murashax Oo Ku Heshiiyay In Laga Adkaado Xasan Sheekh:

0
544

Kullan uu soo qaban qaabiyay murashax Shariif Sheekh Axmed oo ahaa mid seddax geesood ah ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeybgaleen musharixiinta kala a, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) iyo C/qaadir Cosoble Cali.

Kulanka saddexda Musharax oo gaar ahaa ayaa wararku sheegayaan in looga hadlay xaalada Doorashada dalka iyo isbaheysi dhex mara musharixiinta ka horjeeda madaxweynaha xilka haya ee Xasan Sheekh.

Shariif Axmed ayaa soo jeediyay in musharixiinta ka soo jeeda Beesha Muddulood ay midoobaan, isla markaana midkii ugu codka badan ay taageeraan Doorashada si meesha looga saaro, loogana adkaado Xasan Sheekh, taasoo ay isku waafaqeen.