Shabakada Haqabtire News Oo Tartan Ciyareed U Soo Xidhay 31 Kooxood Oo Ka Mid Kooxaha Gobolka Togdheer Iyo Masuuliyiin Tiro Badan Oo Ka Qayb Galay Munaasibada Xidhitaanka+SAWIRO.

0
436

Shabakada Caalamiga ah ee Haqabtire News oo ka mid ah warbaahinta online-ka ah ee somaliland ayaa munaasibad balaadhan u qabatay soo xidhitaanka Tartan ciyareed ay ka qayb qaadteen 31 kooxood oo ka mid ah kooxaha kala duwan ee ka dhisan magaalada Burco, Tartan ciyareedkani la soo gabageeyey ayaa waxa uu socday muddo laba bilood ah, waxaana ka soo qayb galay xidhitaanka Tartan ciyareedkani Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland sidoo kalana ah musharaxa madaxweye ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), hogaamiyaha xisbiga Xirsi Cali X.Xasan, Masuuliyiinta gudida fulinta Xisbil xaakimka kulmiye ee gobolka Togdheer, Xildhibaan Mubaarik Bidhi, odayaal, waxgarad Dhalinyaro iyo Maamulka iyo hawl wadeenada warbaahinta caalamiga ah ee Haqabtirenews.com iyo mart Sharaf kale.

Aayado quraan ah oo lagu furay madashaasi ka dib ayaa waxa ugu horeyntii faahfaahin ka bixiyey Tartan ciyareedkani, mudadii uu socday, Iyo ujeedada ay ka lahaayeenba Gudoomiyaha guud ee Warbaahinta Haqabtirenews.com Mudane Khaalid Axmed Maxamed (Bakayle) waxaana uu sidoo kale u mahadceliyey dhalinyarada iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay sidii uu si habsami ah ugu dhici lahaa tartan ciyaareedkaasi waxaana ka mid ahaa hadaladiisii

“Alxamdullilah ilahay ayay mahad oo dhammi u sugnaatay, waxa sharaf weyn noo ah hadaanu nahay warbaahinta Caalamiga ah ee haqabtirenews.com in aanu ka qayb qaadano dhiirigalinta iyo horumarinta dhalinyarada somaliland guud gaar ahaa Gobolka Togdheer, Waxa micno weyn noo samaynaysa in aanu goob ku kulmino dhalinyaro intan leeg, hadii aan inyar idiinka taabto ujeedooyinka aanu ka lahayn Tartan ciyareedkan waxa ay ahayd laba qadodob oo aanu u arkaynay in ay muhiim tahay, qodobka koowaad  markasta oo dhalinyaradu walaalowdo waxa bata horumarka is dhexgalkooda in aanu xoojino iyo in Dhalinyarada Burco noqdaan kuwo u carbisan sanadka dambe ee koobka gobolada Somaliland si ay guulo u gaadhi lahaayeen, Waanu u mahadcelinaynaa masuuliyiinta iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay dhiirigalinta iyo qabsoomida Tartan ciyareedkan waanan hambalyeynayaa Kooxda guuleysatay ee FC-Raage Pharmacy” ayuu Gudoomiyaha Warbaahinta Haqabtirenews.com.

Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay suldaanka dhalinyarada Somaliland suldaan kamaal Dhuux Dheg-dhaqaaje waxaana uu mahadnaq u soo jeediyey warbaahinta Haqabtirenews.com isagoona uga mahaceliyey sida ay markasta uga qayb qaadato shiirigalinta dhalinyarada, waxaana uu madaxdii kala duwanayd ee madashaas goobjooga ka ahayd ku dhiirigaliyey in sidan oo kale dhalinyarada horumarkooda looga shaqeeyo.

Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) ayaa isaguna hadalo ka soo jeediyey Madashab bilan ee lagu Gunaanadayo Tartan Ciyareedkani Warbaahita Haqabtire News isagoona bogaadiyey dhalinyarada Waxaana uu yidhi

” Gobolkan Togdheer waxa uu ahaa gobol Sports-ka taariikh ku leh, waxaan leeyahay aad ayaan ugu hambalyeynayaa dhalinyarada gobolka Togdheer iyo Shabakada Haqabtire News iyo Khaalid Bakaylaba, waan soo dhaweynaynayaa cid kasta oo dhalinyarada is dhexgalkeeda ka shaqeysa, waxaan soo dhaweynaynayaa oo u mahadnaqayaa Warbaahinta Haqabtire ee koobkan dhigtay” ayuu yidhi Xidhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka tirsan Golaha deegaanka degmada Burco.

Siyaasi Guuleed Daahir Samatar oo isaguna ka hadlay Madashii xidhitaanka Tartan Ciyareedkaasi ayaa waxa uu tilmaamay ahmiyada ay leedahay ka shaqeynta iyo dhiirigalinta dhalinyaradu isagoona u mahadceliyey warbaahinta Caalamiga ah ee Haqabtirenews.com.

Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Xisbil Xaakimka Kulmiye oo isaguna ka hadlay munaasibadaasi ayaa sheegay in ay ka xisbi ahaan si Habsami leh u soo dhaweynayaan Dhiirigalinta Dhalinyarada waxaana uu u mahaceliyey Maamulka iyo masuuliyiinta Shabakada Haqabtirenews.com iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay hirgalinta Koobkaasi waxaana uu yidhi

“aad bay farxad noogu tahay in aanu munaasibadan ka soo qatyb galno, marka hore waxa aanu mahadnaq  u soo jeeninaynaa qolada haqabtirenews.com dedaalka fiican ee ay ka sameeyeen dhiirigalinta dhalinyarada, Runtii meynaan arki jirin qolyaha warbaahinta oo hawlahan oo kale ka shaqeeya waan uga mahadcelinaynaa arintan” ayuu yidhi Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Togdheer.

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Xirsi Cali X.Xasan aay isaguna munasibadaasi Hadalo dhiirigalin ah ka soo Jeediyey Waxaana uu Mahadnaq u soo jeediyey Dhalinyarada iyo Warbaahinta Haqabtire News waxaana ka mid ahaa hadaladiisii

“aad iyo aad ayaan ugu mahadcelinayaa cid kasta oo ka qayb qaadatay tartankan lagu dhiirigalinaayo dhalinyarada si gaar ah waxaan ugu mahadcelinayaa qolada websateka ee haqabtire News, Dhalinyarada iyo ciyaaraha waa la shaqeynaynaa waa hirgalinaynaa waana Naga go,antahay ka xisbi ahaan, maaha madal siyaasaddeed ee waa u Hambalyeynaynaa kooxaha guuleystay iyo Haqabtire News iyo Khaalid Bakaylaba waa intaas oo looga si dhawaado xoojiya ayaanu idinleenahay dhiirigalinta Dhalinyarada.

Gabagabadii Hadaladii Munaasibadaas waxa ka hadlau Musharaxa madaxweyne nimo ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxaana uu Hambalyo, Mahadnaq iyo Bogaadinba u soo jeediyey Warbaahinta Haqabtirenews.com iyo Dhalinyarada Tartamaysayba waxaana Ka mid ahaa hadaladisii

“Runtii waan u mahadnaqayaa dhamaan Team-mankii ka qayb galay tartan ciyareedka halkan lagu gabagabaynaayo, waxaan u mahadnaynaa Haqabtirenews.com iyo Bakayle iyo dhamaan cid kasta oo gacan ka geysatay hawshaa mudada socotay ee aynu maanta natiijadeedii joogno, Insha allahu waxaan rajeynayaa dhalinyaradiina halkan Joogta iyo Kuwa idinka maqan in si wanaagsan loo dhiirigaliyo, Waxbadanbuu ka badbaadin karaa dhalinyarada Sports-ku waxaanan runtii ku dhiirigalinaynaa dhamaan dadkaas ka qayb qaatay waan bogaadinaynaa dhalinyaradana waxaan ugu qaabayaa in ay Ciyaarta badiyaan si ay magacooda iyo magaca gobolkooda u horumariyaan” ayuu yidhi Musharax Cabdiraxmaan Cirro.

Gabagabadii Munaasibadaas waxa abaal marino iyo Koobkii lagu Gudoonsiiyey Kooxda Raage Pharmacy iyo Ciyaartooyadii kale ee dedaalka dheeriga ah muujiyey mudadii tartankaasi socday.

Warbaahinta Caalamiga ah ee Haqabtirenews.com oo ka mid ah warbaahinta Online-ka ah ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey waxa ay si firfircoon uga dhex muuqatay saaxada warbaahinta iyadoona inta badan ka qayb qaadata dhiirigalinta iyo soo bandhigida warar iyo warbixino Xaqiiqada ku salaysan.

img_4425img_4417108a0383

108a0393108a0394108a0415108a0419108a0422108a0432108a0502img_4307

 

108a0404img_4375

img_4372108a0384108a0386108a0387108a0397108a0400108a0404

108a0408108a0403

108a0415108a0420108a0424108a0431108a0449108a0460108a0462108a0470108a0473108a0478108a0479108a0482108a0484108a0489img_4304img_4307img_4324img_4325img_4341img_4345img_4367img_4368img_4369img_4372img_4375img_4376img_4377img_4379img_4384img_4389img_4395img_4396img_4406img_4417img_4425img_4429img_4507img_4509img_4544108a0393-2