Shacabka Reer Somaliland Ee Dalka NORWAY oo aan Baryahan danbe Ka dhex Muuqan Gargaarka Abaaraha Iyo Wadooyinka.

0
396

Shacabka Reer Somaliland Ee Dalka NORWAY oo aan  Baryahan danbe Ka dhex Muuqan Gargaarka Abaaraha Iyo Wadooyinka.  

warbixin:

       Inline image 3Inline image 1    Inline image 2

mudooyinkii ugu danbeeyey waxa deegaanada kala duwan ee dalka jsl kasoo yeedhayay baaqyo iyo qaylo dhaan ku saabsan abaarta baahsan ee ka jirta dalka taasi oo saamayn ku yeelatay noloshii dadka xoolo dhaqatada ah iyo duunyadii ay gacanta ku hayeen,dad badan oo ka mid ah bulshadii ku dhaqnayd deegaanada miyiga ayaa xoolihii ay haysteen nooc kasta oo tahayba maanta faro-madhan ka jooga, kadib markii ay waayeen baad ay cunaan iyo biyo ay cabbaan  labadaba, abaartan oo daba dheeraatay goobaha ugu sii halista badanina ay yihiin deegaanada galbeedka Somaliland,waxay haatan gaadhay heer ay noloshii dadka qaarkood galaafato,halka qaybo badan oo kalena tamar darro la tiicayaan,waxa hadaba lagama maarmaan ah in lasii laban-laabo gurmadka lagu samata-bixinayo nolosha dadka cid kasta oo maanta wax awoodi kartaana aanay gacmaha ka laaban xaalada adag ee soo food saartay dadka iyo duunyada.

Khaasatan waxaan odhan lahaa  guddiga abaaraha heer qaran   Ma Iyaga Ayaa Ilaaway Inay Usoo qaylo Dhaan Bixiyaan Qurba Joogta wadanka dibadiisa  gaar Ahaan dadka  Reer Norway Oo Ahaan Jiray Halbawle,lagu xisaabtamo kolka ay xaaladahan oo kale jiraan,

Mise waxa jira caqabad xagga Xidhiidhka ah oo dadkii Ay Lasoo Xidhiidheen Ayaa Ilduufay.

Si kastoo ay tahayba waxaanu Ku Guubaabinaynaa hadaanu nahay qaybo ka mid ah Aqoonyahanka reer NORWAY   In Loo Kaco Loona Gurmado dadka Ay Abaaruhu Saameeyeen, waxaanad Ogaataan In Laga Helaayo Ajar Iyo xasnaad Ilaahayna Loogu Dhawaanayao (SWT).

Maxaa yeelay  Ilaahay waxa Uu Yidhi Isu Naxariista Ana aan Idiin naxariiste, hana lagu dedaalo baryada alle (SWT)

Inline image 6Inline image 8Inline image 5Inline image 7

Gebagebadii waxaanu halkan ka bogaadinaynaa isla markaana diyaar u nahay inaanu gacan ku siinno,MARWO FAYSA oo Kamida dadka Ugu Fir Fircoon Jaaliyada NORWAY oo  Ballan Qaaday Inay 01/April/2016 Ee foodda inagu soo haysa  Ay Qaadhaan U Ururinayso Abaaraha ka dillaacay dalkii hooyo.

Hadaba fadlan kala qayb Qaado walaasheen FAISA Dedaalkaasi lagu samata bixinayo dadkeenna Haddii aad Ku Nooshay  OSLO Iyo Nawaxigeeda Kuna  darso Lacag yar Oo Ilaahay Kuugu naxariisto Faah Faahin Kala Xidhiidh 0047 94160251—–Wabilaahi Tawfiiq.