Shacbiga Somaliland Maxay ka Filayaan Shirka Djibauti? WQ: Xuseen Cali Nuur

0
240

Shacbiga Somaliland Maxay ka Filayaan Shirka Djibauti?

WQ: Xuseen Cali Nuur

Muddo soddon sannadood ah, sannadihii halganka ee hubaysnaa, cadaadiskii iyo gummaadkii keligii-taliyihii iyo caddaalad-daradii ay kala kulmeen is-raacii 1960-kii, maalintii Julay kowdeedii, ayaa riyadii Soomaaliwayn burburkeeda ugu horeysay.  Magaalada Djibouti waxa ku kulmay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxwaynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Mawqifka labada Madaxwayne, labada dal iyo labada shacbibba mid cusub maaha.

Shirka Djibouti waxa ku cusub, dalalka iyo ururada ka soo qaybgalay, waxaana la rejaynayaa in go’aanada ka soo baxaa ay ahaadaan kuwo ku salaysan caddaalad iyo waayo-aragnimada taariikheed ee dalalka ka soo qaybgalay ay u leeyihiin. Waayaha nololeed waxa uu shacbiga Somaliland hore u baray, ogyihiinna in aan gar aan caddaawad ku dhisnayn laba qof ka wada qoslin karin.

Su’aasha waxay tahay, shirka maanta ay ka soo qaybgaleen dalalka Maraykanka, Itoobiya, Ururka Midowga Yurub, IGAD,  Guddoomiyena u yahay Madaxwaynaha Djibouti Md. Ismaaciil CUmar Geelle. Waxa la filayey inay u soo xayteen, danaynayaanna xal dhab ah oo la gaadho.Tolow ma noqon kartaa in dalalkani ay danaynayaan xaqiiqda ka jirta labada dal? Ma yihiin kuwo taariikhda la socda iyo qaybaha ay ku lahaayeen in himiladii dadka Soomaaliyeed lahaayeen lixdankii (1960) inay burburaan oo aanay rumoobin?

Aan ku bilowno dalka Maraykanka oo qarnigii 18-aad gumaysiga Ingiriiska iska raray, waxa baaqiisii xornimo ka mid ahaa in aan umad la horjoogsan karin masiirkeeda xornimo-doonka ah, awood kasta oo ka hor timaadda, waxaanay taasi ahayd tii himiladoodii xornimo rumaysay, waxaanan filayaa in waftiga Maraykanka ka jooga shirka aannu iska indho tirin  in xornimada la soo noqosho ee shacbiga Somaliland ay la mid tahay tii Maraykanku dadkay isirka wadaagayeen ee Ingiriiska iskaga xoreeyeen.

Ergada u joogta Midowga reer Yurub, waxaan rajaynayaa in aanay ilaabin oo xasuusanayaan in Somaliland iyo Soomaaliya ay yihiin labada dal ee Ingriiska iyo Talyaanigu kala gumaysanayeen.; isla mar ahaantaana Somaliland markay xorowday ay 30 dal u aqoonsadeen Somaliland dal madaxbannaan oo xor ah. Dalka Itoobiya oo Ra’iisal-wasaaruhu maanta shirka uga qaybgalay, kaalinna ka qaatay sidii nabadi u dhex mari lahayd dalka Ereteriya ee mar midoobeen oo kala noqday.

Dalalka Urur-goboleedka IGAD ka tirsan, waxaan xasuusinayaa inay Koonfurta Suudaan oo ka tirsanaan jirtay dal waynaha Suudaan halgan qadhaadh oo dheer ka bacdina ka go’day aanay wax is hor taag ah iyo ka hadal ah aanay ka gaysan, sidaana ay Koonfurta Suudaan maanta ku tahay dal madaxbannaan.

Dalalka IGAD ee kale waxa jirta in suuqii dhaqaalaha ee bariga Afrika ee ka dhexeeyey saddex dal, lana filayey in gobolka oo idil iyo badhtmaha Afrikaba danahooda gaarka ah marka uu burburay aanay cidina ka hor iman, waxaanse leeyahay ka qaybgalayaasha dalalka oo idil in iska indho-tirin xaqiiqda iyo runta, ogaadaanna in himiladii midnimo ee Soomaaliwayn ay muuqaal ahaan dhimatay taariikhdu markii ay ahayd 1 Julay 1960kii, markii Soomaaliya ay ula dhaqantay Somaliland gobol ka tirsan.

Waxa maydka Soomaaliwayn intaan la kafnin, waxyeelo u gaystay dalka Jamhuuriyadda Djibouti oo gooni isku taagay. Waxa is kaba raaciyey Madaxwaynihii Kenya ee Mr. Kenayaata markii uu diiday aftidii laga qaaday NFD, isagoo Muqdisho joogana Kenya oo wali xornimo qaadan ku dhawaaqay Uhuru Naa Keya.

Soomaaliwayn waxa la aasay dagaalkii 1977-78 ee dhexmaray Jamhuuriyaddii dimuqraadiga ahayd ee Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana maydkii midnimo aboorku cunay oo lafihiisii noqdeen markii shacbiga Somaliland loola dhaqmay sidii gumaysiga, la gumaaday, diyaarado lagu duqeeyey, madaafiic lala dhacay, rasaasna lagu rusheeyey.

Is-raac dambe iyo midnimo oo muqaddas inay u dhammaatay oo aanay qarnigan aanay jirin waxa noogu filan xusuus iyo dersi ahaan Alle ha u naxariistee madaxwaynihii Somaliland ee 1960kii is-raaca keenay Madaxwaynihii labaad ee Somalilandna 1993kii noqday Maxamed Ibraahim Cigaal, iyadoo shirkii beelaha ee labaad Booraama ka socdana ka qaybgalay shirkii dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ee magaalada Addiss Ababa isla sannadkaa erayadii uu yidhi markii ka qaybgalayaashii shirka Addis ku heeseen SOOMAALIYEEY TOOSAAY TOOSOO ISKU TIIRSADA  ee uu u jawaabay; “Maanta jidhkii u damqanayey naguma yaallo.”

Haddaba, waxa aan leeyahay cidda wali u riyoonaysa riyada kuwa ku hammiyeya, kuwa u hanqal taagaya Soomaaliwayn  in arrinkoodu ka dhigan yahay; ‘qudhaanjooy ku quuso.’

By: Suxufi Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here