Sharkada DP World Waa Fursad Aan Laga War-qabin

0
488

Sharkada DP World Waa Fursad Aan Laga War-qabin (W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)

DP World waa sharkad ganacsi oo laga leeyahay dalka Imaraadka Carabta, waana mid ka mid ah sharkaddaha ganacsiga ee ugu waaweyn caalamka , sharkadan oo inta badan shaqadeedu tahay daabulka alaabta, maalgashiga dekedaha iyo horumarka magaalooyinka, ayaa waxay ka shaqaysaa kudhawaad 70 dekadood oo ku kala yaal daafaha dunida, sidoo kale sharkadan ayaa dhawaan qorshaheeda balaadhineed ku darsatay in ay dhisto ugu yaraan 10 dekedood oo geeska afrika ay kaga jirto dekeda Berbera Somaliland.

Dekeda berbera ayaa xiligan ka mid ah dekedaha ugu mashquulka badan ee ka jira geyiga ay somalidu degto, taas oo u sababtay in Berbera hesho fursado badan oo maal-gashi taas oo ay ugu dambeyso Dp World oo 09/05/2016 iyadda iyo xubno wefti culus ah oo ka socoday Xukumadda Somaliland ay heshiis ku kala saxeexdeen Dubia, Heshiiskan oo inta badan gudaha Somaliland ka dhex abuuray khilaaf iyo buuq ilaa hadda aan la ogeyn waxa uu salka ku hayo, ayaa inta badan shacbiga Berbera ku nooli u sababaynayaan in xukumada Somaliland aanay si cad u sheegin heshiiska dekeda berbera ee DP World kala dhexeeya.

Suldaan Axmed binu Suleyman madaxa sharkada DP World ayaa xili uu ka hadlaayey dekeda Berbera wuxuu yidhi “Afrika sideedaba si fiican loogama wada shaqayn wakhtigan la joogo, khayraadka badan ee afrika ku qarsoon waxaa ka mid ah dekeda Berbera, Berbera waxay nasoo jiidatey koritaankeedu marka loo eego koritaanka dhaqaale ee ay gaadhayso Itoobiya, oo ka adeegata dekeda berbera wakhtigan”. Madaxa DP World isga oo hadalka sii wata wuxuu ku daray “ Berbera waxaan bookhday dhawar todobaad ka hore, waxay igu noqotay layaab markii aan arkay wixii aan ka aaminsanaa iyo wixii aan arkay, berbera waa deked weyn oo furasado balaadhineed heshay, berbera waxay haysataa ilaa 4 milyan oo shacab ah marka lugu daro Itoobiya”.

Hadaba marka la eego wajiyada ay ku qaabileen in badan oo daneystayaal xisbiyada mucaaradka ku jira ayaa keentay in ay fikrado malo-awaal ah ka dhaadhiciyaan bulshada ra’iyidka ah ee Berbera ku nool, kuwaas oo aanay dhaafsiisnayn markii hore waxa dekeda kasoo gaadhaa in uu cid gaar ah ku koobnaado.

Maanta oo ahayd maalintii ay Somaliland horumarkii ay hiigsan jirtay ku talaabsan lahayd, ayaa u muuqata mid siyaasiinta caloshooda u shaqaystayaasha ahi, u adeegsadaan Xukumadda iyo Sharkada DP World shacab iyaguna ah danaystayaal, kuwaas oo khalkhal iyo shaki geliyey heshiiskii dekeda berbera ee sida farshaxanimada leh loo kala saxeexday.

Hadii Somaliland ay lumiso fursadan dahabiga ah, waxay noqon doontaa abid fursadii ugu qaalisanayd ee soo marta Somaliland, mana noqon doonto Somaliland dhul lugusoo hirto, sidoo kale waxaa ka istaagi doona ganacsiga faro ku tiriska ah ee hadda ka jira dekeda berbera.

Hamse Bashe (Wiyeer-Yare)
E-mail: Xamse18@gmail.com