Sheekh Shariif oo iska diiwaan geliyay guddiga doorashooyinka, buuxiyayna shuruudihii laga rabay

0
282

Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa noqday murashaxii ugu horeeyay ee iska diiwaan geliya guddiga doorashooyinka isla markaana buuxiyay shuruudihii looga baahnaa murashaxa xilka madaxweyne.

Sheekh Shariif ayaa tegay xarunta isdiiwaan gelinta ay ka socoto, halkaasi oo uu kusoo dhoweeyay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka baarlamaanka Dr. C/raxmaan Bayle oo warbixin kooban ka siiyay howsha guddiga.Murashax Shariif ayaa saxiixay oo gudbiyay documentiyadii laga rabay iyo lacagta 30 kun dollar ee diiwaan gelinta laga qaadayo murashaxiinta madaxweyne.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in ay qabsoonto 8-febraayo oo ku beegan maalin arbaco ah.