telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Shil Baabuur Oo Sababay Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawacba Leh Oo habeenki xalay ahaa Ka Dhacay Wada Isku Xidha Berbera Iyo Hargeysa+Tirada Dhimashada Iyo Dhaawaca Dadka

Hargeysa ( WARSUGANNEWS.COM)_War deg deg ah oo hada nasoo gaadhaya soona gaadhaya xafiiska warqabadka shabakadda WARSUGANNEWS  ayaa sheegaya in  habeenki xalay ahaa sacaduna ahayd 11 HABEENIMO uu shil baabuur ka dhacay wadada isku xidha magaalooyinka hargeysa iyo berbera gaar ahaana tuulada Xamaas oo u dhaw magaalada berbera.

markii uu wariyaha gobolka saaxil ee  shabakada warsugannews.com uu gadhay goobta uu shilku ka dhacay ayaa shegay in shilka goobta ka dhacay  ahaa isku dhaca laba baabuur oo kala ah gaawaadhiga loo yaqaano Noho  oo kusoo jeeday magalada berbera  iyo gawadhida xamuulka qaada ee loo yaqaano candho-maydle ama waraad oo madhnaa wax badeecadana aan sidin ayaa kusii jeeday magalada hargeisa.

downloadimages

Waxaana  shilkan baabuur ku dhintay 1 qof halka 5 KALANA ku dhaawacmeen.

Dadkan ku dhintay iyo dadkan ku dhaawacmay shilkan baabuur ayaa AHAA dadkii ku dhaawacmay shilka  inay yihiin dadkii saarnaa gaaadhiga Noha-da.

Maydka iyo dhaawaca dadka ayaa loola cararay  cusbitaalka degmada abdaal oo ka tirsan gobolka saaxil   iyadoo looso qadi doono dhawaca culus magalada hargeisa halka dhawaca fududna loosoo qaday magalada berbera

samatabixinta dadka shilka ku waxyeelobay ayaa waxa qayb wayn ka qaatay gudoomiyaha degmada abdaal mr buraale iyo duqa degmada berbera c/shakuur maxamuud xasan cidin iyo gudoomiyaha gobolka saaxil jamac yusuf axmed iyo wariye shabakada warsugannews.com ee berbera mr ilkacase 

1,278 total views, no views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins