Shirqoolada Qarsoon Ee Sirdoonada Dunida!

0
425

Dunidu waxa la wada ogyahay dilal iyo shirqoolo loo geystay dad caan ka ah dunida iyo  masuuliyiin, kuwaasi qaarkood sidii la rabay u fulay kuwa kalena ay fashilmeen. Dilalkaasi waxa fuliya sirdoonada dawladaha qaarkood.

Alexander Litvinenko waxa uu ka mid ah sirdoonkii Ruushka (KGB) laakiin mar danbe ayuu ka baxsaday oo magan geliyo weydiistay Ingiriiska. Dawlada Ruushka ayaa ninkaasi si weyn uga cadhootay maadama u ahaa xubin muhiim ah, waxaana loo sameeyay shirqoolkii lagu khaarajinayay. Alexander ayaa koob shaah oo uu cabayay loogu soo daray maado Yuraniyam ah. Waxaana shirqoolka dilkiisu ka dhacay gudaha hutel caan oo ah oo ku yaalla magaalada London.

Suxufiga Georgi Markov waxa uu ahaa isaguna suxufi caan oo dalka Bulgariya u dhashay, oo lagu yaqaanay inuu si madax banaan uga waramo dalkaasi oo shuuci ahaa oo aan ogolayn warbaahinta xorta ah. Sirdoonka Bulgaariya ayaa si weyn isugu deyay inay dilaan. Ugu danbaystiina dalaayad qof agtiisa marayay sitay ayaa muday , taasi oo ay ku xidhnayad sun ay jidhkiisa u gubinaysay. Sababtaasi ayuu dhintay ka dib markii dhigiisu sumoobay wax yar ka dib, waxase lagu ogaaday baadhista.

Madaxweynihii hore Cuba Mr.Fidel Castro ayaa isagu noqday masuulkii in ka badan 50 jeer CIA Maraykanka isku deyday inay khaarijso laakiin dhamaantood ay ku fashilmeen. Kuwa ugu yaabka badanaa waxa ka mid ah markii bakteeriya loogu abuuray dharka uu xidho iyo mar Sigaar loo keenay sun lagu sameeyay. Dhammaan isku deyadaasina way wada fashilmeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here