Siciid Cilmi Rooble “Kuwii Aan KULMIYE Uga Tagay Ee Dhibbanaha Iga Dhigay Ayaa Waddanina Ku Soo Biiray,”

0
393

Siciid Cilmi Rooble “Kuwii Aan KULMIYE Uga Tagay Ee Dhibbanaha Iga Dhigay Ayaa Waddanina Ku Soo Biiray,”

“Waan taager-sanahay (Garabka Waddani ee is-badal doonka) waayo dadkaasi waa dadkii aanu wada shaqaynaynay waliba qaybta Hinda-iyo garabkaasi garabkaygii KULMIYE ayuu ahaa ee dhibta badan soo maray” Xil. Siciid Cilmi Rooble
Hargeysa(Warsugan) Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa si adag u dhalliilay siyaasiyiinta isbahaysiga Kulmiye ee ku soo biiray xisbiga, kuwaas oo uu sheegay inay qarribeen isbedelkii xisbiga Kulmiye doonayay inuu dalka ka hirgaliyo. Xildhibaanka oo ka mid ahaa udub dhexaadkii xisbiga Kulmiye xilligii ololaha ayaa ka soo diga rogtay kadib markii uu sheegay in bedelkii iyo waxqabadkii la rabay xukumadda Kulmiye ka leexatay.

Xildhibaanka ayaa muddooyinkii u dambeeyay dibada ku maqnaa waxaana intaasi dhacay isbedello xisbiga Waddani ku yimid.Siyaasiyiinta isbahaysiga Kulmiye ee hore isaga casilay xukumadda Kulmiye ayaa xisbiga lagu soo dhaweeyay, sidoo kalena waxaa soo galay siyaasiyiinta bariga iyo koonfurta Hargeysa.

“Markii xisbiga Kulmiye dawladnimadii helay, wixii aanu umadda ugu ballanqaadnay iyo barnaamijkayagii iyo isbedelkii khayrka qabay ee aanu doonaynay rag baa naga bedelay.Raggii naga bedelay ee jaho habaabiyay ee ilaa maanta aamusnaantan dadka reer Somaliland ka aamusan yihiin xisbiyada ragga baday ayaa maanta nagu soo biiray,” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo u waramayay telefishanka Horn Cable.

Isagoo sii hadlaya wuxuu sheegay in ragga ku soo biiray Waddani yihiin kuwii uu uga yimid Kulmiye “Raggaan anigu uga tagay xisbiga Kulmiye ee dhibbanaha iga dhigay ayaa nagu soo biiray. Waxaan idiin sheegayaa in cidhib la’aani kanna(Waddani) ku soo socoto, siday Kulmiye ugu dhacday,” ayuu yidhi Mudane Siciid.

Waxa uu ku dooday in ragga Waddani soo galay Kulmiye hore uga dhex wadeen inay xisbiyo kale furtaan “Raggaasi waxay doonayeen inay xattaa KULMIYE ka takhalusaan oo xisbiyo cusub ay samaystaan,” ayuu yidhi mudane Siciid, mar la waydiiyay inuu sheego cidda raggaasi yihiina wuxuu ku gaabsaday “Waa isbahaysiga rag ka mid ah.”

Geesta kale wuxuu sheegay inuu xisbiga Waddani u baqayo balse Kulmiye soo baqo dhammaystay “ WADDANI ayaa hadda baqdin leh, Kulmiye baqdin ma leh, soo dhammaysay salla calee. Ka baqdinta leh ee abrisku soo galay waa kaas,” ayuu yidhi xildhibaanku.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in doorashadii musharraxiinta xisbiga Waddani loo maray hab khaldan oo ah in kordhin sharci darro ah lagu sameeyay golaha dhexe “Golaha dhexe ee hore wuxuu ahaa laba boqol iyo wax, waxaana fadhiyay shirkii lix boqol iyo wax, waxay ahayd in golaha dhexe ee cusub uu golihii hore ansixiyo, arrintaasna in Seed ka hadlo ayay ahayd laakiin, wuu galay shirkii oo ilaa musharraxii madaxweyne wuu u codeeyay,” ayuu yidhi Xildhibaanku.

“Waan taager-sanahay waayo dadkaasi waa dadkii aanu wada shaqaynaynay waliba qaybta Hinda-iyo garabkaasi garabkaygii KULMIYE ayuu ahaa ee dhibta badan soo maray ee dabeeto Sala-calee ragan aan kuu sheegaya dibeda u tuureen bay ahaayeen markaa cabashadaa ay qabaan waan la qabaa aniguna”

Xigasho Wargeyska Warsugan
Warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office