SIDA AAD KALSOONI UGU ABUURI KARTO NAFTAADA …Q1aad W/Q, Abdirahmaan H. Osman ( GEELE)

0
1325

SIDA AAD KALSOONI UGU ABUURI KARTO NAFTAADA …Q1aad

W/Q, Abdirahmaan H. Osman ( GEELE)

Kalsoonida waa shay aad u qiima badan waa waxyaalahaa ugu muhiimsan ee keensada qofka inuu hore u socdo oo uu guul gaadho waxna qabsado Hadaba waa inaynu isweydiino waa maxay Kalsoonida ? Kalsoonida maxay tahay ? qofkaasi Kalsooni buu haystaa iyo wuu isku kalsoonayahay maxaynu ula jeednaa ?

Kalsoonida waxa weeyaan waa inaad aamintaa kartidaada ,awoodaada ,khibradaada iyo xirfadaha aad adigu leedahay ee ilaahay ku siiyey waa inaad aamintaa go’aanka aad qaadatay inuu sax yahay , waa inaad aamintaa hadafka aad u socotaa inaad gaadhi karto oo aad xaqiijin karto qodobkani wuxuu tilmaamayaa hadii aad rabto inaad naftaada ku abuurto Kalsooni waa in lagaa helaa inaad aaminto waxaad adiga leedahay ee ilaahay ku siiyey muuqalkan uu ilaahay ku siiyey waaa inaad aamintaa oo aad raali ku ahaataa sidoo kale maskaxda uu ilaahay ku siiyey, awoodaha qarsoon ee aadka u faraha badan ee ilaahay ku siiyey, Ahdaafta aad dejisatay inaad gaadhi karto oo aad xaqiijin karto, waa inaad aamintaa go’aamada aad qaadatay inay sax yihiin ee aanad ka noqon

Hadaba qodobkeena 1aad, Kalsoonida sidee baan naftayda ugu abuuri karaa waana qodobka aan rabo in aan maanta dul istaago hadii aad rabto naftaada Kalsooni inaad ku abuurto oo Kalsooni aad hesho si mustaqbalkaaga aad u hagaajiso qodobka koowaad ee aad samaynaysaa waa :-

a- inaad naftaada barato marka ugu horeeesa waaa inaad buug iyo qalin qaadataa waa

in aad is weydiisaa naftaadu maxay ku fiicantahay maxay ku xuntahay waa inaad soo saartaa labada dhinac waa inaad qortaa wax alla waxay naftaadu ku fiicantahay sidoo kale waa inaad qortaa wax alla waxay naftaadu ku liidato ee dacfiga ku leedahay markaa shaqsiyadaadii baa kuu soo baxaysa oo markaad sidaa naftaada u ogaato oo naftaada barato waxa imaanaya hadii dadka wax kaa sheegaan oo qofka ku yidhaahdo waxbarashada kuma fiicnid hadii uu waxani kaa sheegay uu run yahay waad is ogtahay hadii ay beentahayna dhegba u dhigi maysid ileen waad is ogtahay markaa naftaada inaad ogaato waa qodobka 1aad marka naftaada ogaato waxa ku xigaya inaad dejiso strategiyada aad ku badalaysay ee aad ku hagaajinayso kolkaad ogaato meelahaad ku liidatay waxa lagaa rabaa inaad isweydiiso sidee baan kor uga sii qaadi karaa sidee baan u hagaajin karaa, meelaha aad ku fiicantahayna sidee baa iyagana kor uga sii kici karaa oo aan u sii xoojin karaa markaad dejiso starategiyadii naftaada aad ku hagaajin lahayd waa inaad naftaada raali ka ahaato suuraduu ilaahay kuu abuuray, qaabka aad u ektahay ,dhaqaalaha intaad haysato ,aqoontaada halkay taagantahay waa inaaad raali ku ahaato halka aad taaagantahay kadibna aad isku daydaa inaad kor uga kacdo hadii aadan raali ku noqon muuqaalka uu ilaahay ku siiyey waxa imaanaya inaad werwer iyo walaac ka bixi weydo markasta aad dadka eegto waxay kaa sheegayaan waxa imaanaya inaad ka gubato laakiinse naftaada iyo muuqaalkaaga markaad raali ku noqoto waxa imaanaya inay naftaada ay degto qodobka 2aad ee naftaada aad Kalsooni ugu abuuri kartaa waa:-
b- inaad dejiso Ahdaaf aad xaqiijin karto oo suurta gal ah waliba Ahdaafta markaad

dejiso waa inaad isku daydaa inaad maalintiiba inyar xaqiijiso waxa ka dhalanaya marka aad maanta hadaf aad dejisay in kamida xaqiijiso waxay kugu abuuraysaa Kalsooni waxaad ogaanaysaa inaad wax qabsan karto beritoole marka la gaadho ee aad istidhaahdo halkii ka sii wad waxa markiiba kugu soo dhacaya shalay toolaba waa adigii qabtay oo wax ka xaqiijiyey maantana wax baad ka qaban kartaa macnaheedu waa Kalsooni baad heshay sidaa daraadeed waxa la yidhaahdaa Qaacidada asalka u ah Kalsoonida waa ficilka hadaad rabto naftaada Kalsooni inaad ku abuurto waa inaad ficil la timaadaa marka aad wixii qabato waxa imanaya naftaada inay aaminto inay wax qaban karto beritoole wixiyoo kale markaad la kulanto ee aad istidhaahdo mar 2aad qabo waxay naftaadu odhanaysaa shalayba waad qabatayee maantana waad qaban kartaa laakiin ficilkan aad qabanaysaa ama hadafkaan aad rabto inaad xaqiijiso waa inuu yahay waxaad gaadhi karto , waxaadan gaadhi karayn oo kugu adag hadaf haka dhigan sababtu waxay tahay hadaad wax aad u sareeya oo adag inaad gaadho aad hadaf ka dhigato marka aad gaadhi weydo waxa imaanaya niyad jab iyo Kalsooni daro.

sidaa daraadeed markaad hadaf dejiso waa inaad qaybo u qaybisaa qaybta ugu fudud ku bilow ee ad qaban karto markaad qabatana waxa imaanaya in qaybihii kalana kuu fududaadaan waxay Culimada ku takhasusay Psychologica waxay yidhaahdaan qofka waxa ugu wacan werwerka iyo walaaca markuu hadafweyn dejiyo inuu is yidhaahdo hadafkaa gaadh oo markaad gaadhi weydo waxaa imaanaya werwer iyo walaac markaa laba mid waa inaad samaysaa waa inaad la timaadaaa ficil aad u weyn dadaal aad u badan ama waa inaad dejiso strategiyad aad u khatara ama hadaadan taa la iman karayn waxaa lagaa rabaa heerkii aad kor u qaaday inaad hoos u soo dhigto saad u xaqiijiso hadaadan hoos u soo dhigin waxaadku jiraysaa cidhiidhi waxaad markasta xasuusanaysaa inaad gaadhi weyday meeshii aad u socotay.
waxa kaloo lagaa rabaa markaad shaygii qabato ee aad ficilkii la timaado waa inaad naftaada xasuusi saa maalin kasta inaad wax qabatay .

Tusaale : Ka soo qaad xaflad baa laguugu yeedhay marka ugu horeesa ee aad xafladaa ka hadlayso naftaadu waxay isweydiinaysaa xaflad hore maka soo hadashay hadii ay xaflada hore aad ka soo hadashay ay jiraan ama meela kale naftaadu Kalsooni bay ku abuurayaan laakiinse haday tahay markii kuugu horeesay waxa imaanaya inaad dareento walaac iyo werwer oo laga yaabo inaad ku fashilanto sidaa daraadeeed markaad rabto inaad meeela waa weyn ka hadasho waxaad isku daydaa classka aad dhiganayso ee iskuulka inaad ardayda la hadasho bartaa ka soo bilow markaad rabto inaad meel kale ka hadasho naftaada waxa ku soo dhacaya inaad meel hore ka hadashay oo si fiican aad uga hadashay markaa Kalsooni baa kugu abuurmaysa meeshii labaadna si fiican baad uga hadlaysaa sababtoo ah tijaabo horaad haysaa oo waliba fiican sidaa daraadeed qofka haduu rabo inuu naftiisa Kalsooni ku abuuro waa inuu samaystaa tijaabooyin badan oo wanaagsan oo u noqda khibrad markastuu is yidhaahdo waxaa samee inay naftiisa samayn karto. Lasoco qaybta 2aad ………………..
Aqoonyahan ,(Master Holder) Ahna Qoraa Somalilandera (GEELE)

Shaamcade2015@Gmail.Com