Sida Loo Cadeeyo Madowga Nabraha Wajiga (BLACK SPOTS)

0
949

Sida Loo Cadeeyo Madowga Nabraha Wajiga (BLACK SPOTS)

Waxaa jira siyaabo badan oo loo baabi’in karo dhibcaha madow ee ka dhashay nabraha. Sababaha keeni kara madowgaan waxaa ka mid ah qorraxda oo jidhka gubta, Hormoonada jidhka oo aan isku dheelitirneyn, uurka, daawooyinka qaar, fiitaminnada oo qofka ku yaraada, hurdo la’aanta iyo stress-ka.
Dawo guri dabiici ah oo lagu cadeeyo madowga nabraha wajiga (Black spots):
Biyaha liin dhanaanta:
Waa dawo fudud oo aad jikadaada ka heli karto. Liin dhanaanta waxaa ku jira Fiitamiin C oo daaweyn kara madowga wajiga ee nabruhu ay ku reebeen.
1. Ku shub biyaha liin dhanaanta suuf kadibna ku duug meesha madowga leh.
2. Sug illaa ay ka qallalayso kadibna iskaga mayr biyo cad.
3. Isticmaal dawadaan maalin kasta mudo 2 asbuuc ah si aad hesho natiijo ku raalli gelisa
Hadii aad leedahay jidhka wax diida (sensitive skin) waxaad isku darsan kartaa biyaha liin dhanaanta, biyo cad iyo malab. U marso sida kor ku xusan oo kale.
Baradho:
Baradhadu waxay ka mid tahay waxyaabaha dabiiciga ee la isku cadeeyo, waxaa loo adeegsan karaa in lagu daweeyo madowga nabraha. Baradhadu wajiga way nadiifisaa hadii midabku yahay labo nooc waxay soo celisaa midabkii dabiiciga ahaa ee wajiga.
1. Is fiican u dhaq baradhada, ka fiiq qolofta, Kala jar
2. Saar jeex baradho meesha madowga leh.
3. U daa dhowr daqiiqo kadibna iskaga mayr biyo diirran.
Dacarta:
Dacarta waxay u fiican tahay cadaynta dhibcaha madow ee wajiga waxayna daaweysaa nabraha. Sidoo kale waxaa caawisaa koritaanka unugyada cusub ee maqaarka.
1. Marso Jeelka dacarta oo cusub ama hada la soo jaray
2. Si tartiib ah ah ugu duug meelaha madmadowga leh adigoo isticmaalaya farahaaga.
3. U daa 15 daqiiqo ilaa 20 daqiiqo kadibna iska mayr.
4. Sidaan ayaa la samaynayaa hal ama labo goor asbuucii ilaa ay dhibcaha madmadow ka qarsoomaan.
Huruud:
Huruudu waxay ka mid tahay waxyaabaha dabiiciga ah ee looga takhalusi karo dhibcaha madmadow. Waxay u fiicantahay jidhka qorraxdu gubtay iyo yareynta midabada kala duwan ee wajiga.
1. Waxaad isku qasataa 2 qaado oo huruud ah, xoogaa caano ah iyo biyaha liin dhanaanta.
2. Mari meelaha madowga leh ee wajiga
3. ku haay dhowr daqiiqo, kadibna kaga dhaq biyo diirran.
Babaayga:
Babaayga waxaa ku jira enzymes baabi’iya unugyada haragga dhintay. Wuxuu maqaarka ka difaacaa waxyeellada qorraxda.
1. Waxaad isku darsataa jeex babaay aan bislayn ah oo aad ku burburisay qaado iyo biyaha liin dhanaanta.
2. Saar meelaha madowga leh
3. U daa 20 daqiiqo dabadeedna iska mayr.
4. Sidaan samee 3 ilaa 4 goor asbuucii.