Horumarka tiknoolajiyadda ee haatan dunida gaadhay wuxuu sahlay in dalal badan ay isku dayaan inay daruuraha bacrimiyaan si roob badani ugu da’o.
Waxaan dalalka bilaabay dadaalladan kamid ah Imaaraadka iyo Itoobiya oo dunida saddexaad ka mid ah.
Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa xadhigga ka jaray xarunta bacmirinta daruuraha.
Wuxuu sheegay in tiknooloojiyaddan ay Itoobiya ka caawin doonto wax soo saarka beeraha.
Waxaana Itoobiya barnaamijkan ka caawiyay Imaaraadka Carabta.