SIDEEDABA SADDEX NOOC AYAA DUMARKA LALA GUURSADAA !!

0
695

SIDEEDABA SADDEX NOOC AYAA DUMARKA LALA GUURSADAA !!

Gabadh waliba way jeceshahay in aan ninkeeda lala wadaagin, laakiin Sabab ayaa ku dhalisa ninka inuu la guursado Marwadiisa.
Hadaba Sababtu Maxay tahay ?
Se waa kuwee Dumar had iyo jeer lala guursadaa?
Dumarka lala guursadaa waxay u badan yihiin waa sadexdan nooc Ee kala ah :
1)aan kaa guursado.
2)aan kula guursado.
3)aan kuu guursado.
Hadaba hadii aan aan kala qaado sadexdan Qaab ee keena in lala guursado Haweenka , waxay kala yihiin Sidan:
1. Aan kaa guursado:
Waa gabadh aan u ficnayn Nafteeda Ninkeeda iyo caruurteeda Intaba , Sida oo kalena Shaqada Guriga ka Gaabisa , waana Gabadhada loo yaqaan Basariga , ee Aan Nadafada aan jeclayn .
xitaa nafteeda aan ku dadaalin inay ninkeeda indhihiisa Arkaan Oo ay ku Farxaan Muuqaalkeeda oo ay Soo jiitaan , inkastoo Gaarinimada U Dhalan tahay , taas Waa laga Guursadaa oo Guri Gaari ayaaba laga Raadsadaa , Si Aad Uga Baxdo baylahdan Qoysnimo Iyo Qof ahaanba Idin Saameeysay.
2.Aan kula guursado:
Gabadha sida kale u wacan lkn qaylada badan ninkeeda had iyo jeer maskaxda faraha u galisa , ee aan Niyada u dajin Ee Buuq Iyo qaylo joogto ah ku haysa sayigeeda , ee shakiga iyo sharkaba badan ee Dabagal Ku Haysa Ninkeeda Mar Walba , ee hadii ay in yar waydo oodhanaysa “xagaad ku maqnayd, Naag kale ayaad La joogtay , Aniga ima rabtid , xagaad ku soo daahday iyo yaa xalay kula soo hadlayay” .
Gabadhaas Iyana Inta Aanay kaa waalan Kuna Waalin waa lala Guursadaa oo riyadii beenta ahayd ee ay ku riyoonaysay ayaa dhab looga dhigaa .
iyadaa iska dagi doonta isna odhan Doonta ninkaaga soo jiido Oo xabiibada badi , Si uu tan kale U Furo.
markaas qaylo iyo buuqa way kaa ilaalin doontaada Wixii danbe.
3_Waa loo Guursadaa:
Gabadha loo guursadaa waa Gabadha gaarida ee wacan laakiin aan ninkeeda xaga gogosha kaga cararta ee aan Ogolaan in ay la seexato mar walbana oo Uu U yeedho inta ay surwaal xidhato la dagaalanta Ee aan u Muujin Marwanimadeeda.
markaa ka dib ninku wuxuu Kala kulmayaa Kadeed Badan , Iyo Hungow Iyo Jaajuub Badan dabadeed iyana waa loo Guursadaa…..
Sadexdan nooc hadii aanad Midna ku Sifoobin waligaa lagaa ag tagimaayo , adaana laguu indho xidhnaanayaa Abidkaa.
Hadii kale waa inaad imika sii diyaarisaa ood sii Eegataa gabadhii lagula Guursan lahaa…. loool.
W/Q : Zayed Mohamed Darwiishka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here