Siyaad Barre Oo Cali Samatar Ka Waraysanaya Waayihii Ka Dambeeyey

0
314

Siyaad Barre Oo Cali Samatar Ka Waraysanaya Waayihii Ka Dambeeyey.
W/Q: Cali Cabdi Coomay

Waa sheeko mala-awaal ah, oo Maxamed Siyaad Barre ka waraysanayo Cali Samatar waayihii ka dambeeyey. Magacyada waxa aan u soo gaabin doonaa, sidan. MSBarre: Maxamed Siyaad Barre. MCSamatar: Maxamed Cali Samatar.
MSBarre: waar Cali Samatar ka warran dalkii yo dadkiiba waxa ay ku dambeeyeen?
MCSamatar: Jaalle, dalkii guud ahaan wuxuu u qaybsamay waqooyi (Soomaalilaan), oo SNM iyo Isaaq goosteen, dawlad gooni ahna samaysteen. Dhinicii Soomaaliya inteedii kale way sii sarrifantay oo shisheeye ay horkacayaan Itoobiya ayaa Fadaraal ka dhigay, oo dawlad-goboleedyo tira badan ayaa samaysmay. Waxaanay u kala baxeen Majeerteeniya waxa ay la baxeen (Puntland), Mudugtii Hawiyaha iyo Gal-guduudna waxa ay la baxeen (Galmudug), Hiiraan iyo Jowharna immika ayaa maamuul loo dhisayaa, Gobolkii Banaadir waa gaar, oo Fadaraalka ayaa laga maamulayaa, Raxanweyntii waxa ay la baxeen (Maamulka Koonfur-Galbeed), Marreexaankii gobolada dhexe wuxuu raacay Hawiye, kii Jubbooyinkuna wuxuu maamul la dhistay Ogaadeen oo waxa ay la baxeen (Jubbaland), oo Ogaadeen ayaa madaxweyne u ah.
MSBarre: Iimaanka laga qaad SNM iyo Isaaq dalka oo barwaaqo ah, ayey xabbad ka doorteen, waxaasi ayey hoosta ku haysteen weligoodba. Majeerteenna wuxuu doonaayey inuu noqdo keligii-Noole. Taas ayuu Ilaahay ka baryey, waana siduu doonaayey ee aan ka horjoogay. Gobollada-dhexe qaarkoodna xoog ayey wax ku lahaayeen, qaarkoodna heshiis iyo xoolayn. Kismaayo Marreexaankii joogay siduu Ogaadeen madax ugu noqdaa? Ileyn deegaano badan kumay lahayne?
MCSamatar: Jaalle Ogaadeenka waxa maanta wata Itoobiya iyo Kiiniya, oo dalka ka taliya. Ogaadeenku maaha kii dhegta keliya kacaanka ku maqli jiray, balse waa mid laga dambeeyo oo aan cidna waxba ka dhegaysanayn.
MSBarre: Beelihii kale ee Waqooyi (Soomaalilaan) deganaa maxay yeeleen?
MCSamatar: Jaalle,Isaaq ayay ku raaceen inay goostaan oo weliba Beesha Gadabuursi ayaa 8 sannadood madaxweyne ka ahayd Waqooyi(Soomaalilaan).
MSBarre: Iimaanlaawayaasha Isaaq waa lagu yaqaannaa khiyaamda. Dhulbahante Sayidka iyo Kacaankaba waxa ay ka caawiyeen dhinaca askarinnimada, oo iyaga warkoodu ma dheera.
MSBarre: Halkay ku dambeeyeen Caydiid, C/laahi Yuusuf iyo Ina Cigaal?
MCSamatar: Jaalle Dhammaantood way dhinteen. Caydiid wuxuu ku dhintay dagaallo ka dhexqarxay Hawiyaha dhexdiisa, C/laahi Yuusufna wuxuu madaxweyne ka soo noqday Puntland iyo Soomaaliya, waxaanu dalka Soomaaliya soo geliyey Ciidamo Itoobiyaan ah, oo gacanta ugu dhiga dalka, ciidanka Itoobiyana waxa ay xarun ka dhigteen wasaaraddii Gaashandhigga ee aan fadhiyi jiray. Balse wuxuu dhintay markii uu ka dhammaaday xilkii madaxweynennimo. Ina Cigaal wuxuu madaxweyne ka noqday waqooyi (Soomaalilaan), waxaanu sameeyey maamul kala dambayn leh, balse isaga oo xilka haya ayuu geeriyooday.
MSBarre: Nin bakooro haysaa meel dheer waxba kama arko, wuu ku socday Caydiid inuu gacanta tolkii ku dhimanayo, C/laahi Yuusufna waan ku ogaa inuu daba-dhilif shisheeye yahay, waa kii hore SSDF Itoobiya ugu sameeyey, dalkiina cadow ayuu gacanta u geliyey. Ina Cigaalna qalbigiisa mar kasta waxa ku jiray inuu dalka kala qoqobo, oo Isaaq meel gooni ah u saaro, tiina fursad ayuu u helay.
MCSamatar: Jaalle, aniga dacwad ayey Isaaq igaga fureen Maraykanka, iyagoo leh wuu na xasuuqay, sidoo kale ninkii Tuke isna dhawaan ayey dacwad noocaasi oo kale ah ku fureen.
MSBarre: waxaad ku dooddaan waajiib dawladeed ayaanu gudanaynay, dacwadana la kaashada Majeerteen, waayo Isaaq waa jin, Majeerteena waa jin arag. Iyagaana Isaaq fahmaya. Tolkaa iyo kabtaadaba waa lagu dhex jiraa.
MSBarre: ka warran cadowgii Itoobiya, iyo waxa ay ku dambeeyeen?
MCSamatar: Jaalle Itoobiya waxa qabsaday jabhaddii EPRDF ee Tigreega, ninkii Mingiste wuxuu magangelyo ugu nool yahay dalka Simbaabwi. Nimanka Tigreena waxa la shaqaynayey reer Galbeedka, oo ciidan iyo sirdoon xooggan ayaa loo dhisay.
MSBarre: Nin waaalan ayuu guri ku gubtay, markaasuu isagoo faraxsan yidhi waa sidaan rabay. Baga dheh, waa kii jabhaddii qudhmista (SNM) hoosta ku haystaye, isagana jabhadi ha ka qaado kursiga. Wuxuu moodayey inuu iga dambaynayo. Isagiina jabhadi ma galaafatay,tii uu sameeyey ayaa la go’day.
MSBarre: haatan yaa madaxweyne ka ah Soomaaliya?
MCSamatar: Jaalle madaxweyne-goboleedyo ayaa ka jira intii aan hore ugu sheegay, laakiin Muqdisho waxa fadhiya dawlad lagu sheegay Fadaraal, oo nin Xasan Sheekh la yidhaa Madaxweyne ka yahay, oo ciidamo shisheeyo oo Afrikaan ahi ku ilaaliyaan madaxtooyada. Waxaana joogto uga dhaca dagaallo iyo qaraxyo ay sameeyaan kooxo wadaaddo ah oo ka soo tafiirmay ururkii Al-Itixaad ee aynu dalka ka mamnuucnay. Dhinaca waqooyi (Soomaalilaan) waxa madaxweyne ka ah Siillaanyo waa hoggaamiyihii qudhmista (SNM).
MSBarre: Haa, wallee wax nidaam ahi igama dambayn, waa intay doonaayeen iimaanka laga qaad, waanay heleen. Iga daa warkooda balaayo ku dhacday.
MCSamatar: Jaalle, ummaddii Soomaaliyeed waxa ay kala garan la’dahay: Waddani ama khaa’in, daljire amma jaajuus, halyey amma habacsane, aamin ama tuug, badbaadiye amma burburiye, samataliye ama dagaal-ooge, indheergarad ama maangaab, caalim ama jaahil, sheekh ama shaydaan.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan.
Calicoomay@hotmail.com