Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiye Oo Talooyin Dhaxal-gal Ah Umadda Iyo Goleyaasha Qarankaba U Soo Jeediyey.

0
537

Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo kamid ah siyaasiyiinta faro ku-tiriska ah ee xambaarsan afkaarta suuban ee dalka lagu badbaadin karo,

 isla-markaana u olaleeya in distoorka la furo oo la ogolaado in si madax bannaan loogu tartamo madaxtinimada dalka, ayaa mar kale talooyin wax ku ool ah oo dhaxal-gal ah usoo jeediyey umadda reer Somaliland ee shacabka ah iyo weliba goleyaasha kala duwan ee qaranku leeyahay.

Siyaasi Cabdiqaadir oo warbaahinta shalay kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa ugu horrayn faahfaahin iyo sharraxaad dheeraad ah ka bixiyey barnaamij uu Guusha ugu magac daray oo uu doonayo inuu umadda ku hoggaamiyo haddii uu doonayo inuu talada dalka ku guulaysto, waxana uu si cad u sheega in la gaadhay xilligii isbeddel dhab ah waddanka laga dhalin lahaa, waxana uu yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaya,”barnaamijkayga Guusha oo ah mid aan rabo inaanu bulshada dhibaatadan iyo caddaalad-darradan kaga saarno, barnaamijkaasna waxan filayaa inay dadweynuhu fahmi doonaa, shacabka iyo goleyaashana waxan leeyahay maanta waxa la gaadhay wakhtigii guusha, dabaylihii isbeddelna way taagan yihiine inaynu ka faa’iidaysano ayaa loo baahan yahay, dalkeenuna dalalka adduunka ayuu kamid yahay, waxana uu xaq u leeyahay inuu horumar iyo caddaalad gaadho, inuu halkan sii fadhiyona xaq uma laha.”

Dhinaca kalena waxa uu siyaasigu ka hadlay saldhigga militeri ee dhawaan golaha guurtida iyo wakiilladu meel mariyeen, waxana uu soo jeediyey in dalka iyo dadkaba loo tudho oo aan heshiiskaas fulintiisa lagu degdegin,”saldhigga militeri ee la hadal hayey maalmahan waxan ku darsanayaa talodayda, waayo dalka iyo dadkaba lexejeclo ayaa iga haysa, waxana aan ku talinayaa inaan heshiiskaas lagu degdegin oo dadka iyo dalkaba loo tudho, waayo waxa aad joogaysaan maalmo koobane maalmihiina hagaajista”ayuu yidhi siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye.

Isaga oo siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye dadka shacabka ah la hadlaya waxa uu usoo jeediyey in midnimo iyo isku duubni la muujiyo, isla-markaana la iska kaashado wixii ay umada dantoodu ku jirto, waxana uu yidhi,”maanta inaynu midnimo iyo isku duubni muujino oo aynu kala qaybsanaanta iyo tafaraaruqa dhexdeena ka saarno weeye oo aynu horumarkeena iyo wixii dalka iyo dantaba dani ugu jirto ka shaqayno.”

Cabdiqaadir Cali Obsiiye, ayaa kamid ah siyaasiyiinta tirada yar ee u damqata umadda, waxana uu hormood u yahay barnaamij si weyn loo tifaf tiray oo uu doonayo inuu bulshada ku hoggaamiyo haddii uu talada dalka oo uu dedaal badan ugu jiro ku guulaysto