Siyaasiyiinta Saluugay Shirkii Golaha Dhexe Ee WADDANI Oo Isa Soo Taray iyo Garabyo Hor Leh Oo ka Baxay

0
344

Siyaasiyiinta Saluugay Shirkii Golaha Dhexe Ee WADDANI Oo Isa Soo Taray iyo Garabyo Hor Leh Oo ka Baxay

Hargeysa(Warsugan) Hoggaanka urur siyaasadeedkii Daljir oo hore ugu biiray xisbiga Waddani iyo siyaasiyiin golaha dhexe ka tirsan ayaa shalay sheegay inay ka biyo diideen xisbigaasi, islamarkaana caddaalad darro kala kulmeen. Guddoomiyihii iyo kuxigeenkii urur siyaasadeedkii ku hadhay tartankii 2012 ayaa sheegay inay gabi ahaanba isaga baxeen xisbiga kadib markii muddo badan ay ku dadaalayeen in heshiiskooda la fuliyo.

“Waxaanu isugu nimid, inaanu ku dhawaaqno oo dibad iyo gudaba gaadhsiinno inaanu ahayn urur siyaasadeedkii u horeeyay ee ku biira xisbiga Waddani, maantana anagaa ugu horaynayna cid ka baxda.Waxaanu cod buuxa ku leenahay waanu ka baxnay Waddani,” ayuu yidhi Maxamed Xirsi Guuleed guddoomiyihii ururkii Daljir, sidoo kalena guddoomiye xigeenkiisii oo shirka jaraa’id ku wehelinayay iyo xubno taageerayaal ah ayaa sheegay inay go’aankaasi la qaateen, maaddaama xisbiga Waddani fulin waayay heshiiskii ay kula midoobeen.

Geesta kalena siyaasiyiin golaha dhexe ee Waddani ka mid ah oo ka soo jeeda gobollada Galbeedka ayaa sheegay inay taabacsan yihiin garabka Axmed Muumin Seed oo saluugay natiijaddii shirka golaha dhexe. Waxay sheegeen in habka beelaha loogu qaybiyay golaha dhexe ahayd caddaalad darro “In guddoomiye Cirro beeshiisa golaha dhexe ka siiyo 518 xubnood, beelaha Galbeedkana 60 xubnood, beelaha kalena in ka sii liidata waa caddaalad darro,” ayaa ka mid ahaa dhalliilaha xubnahani u jeediyeen xisbiga.
Xubnahan ayaa sheegay inay caddaalad darro weyn u arkaan guul darradii Axmed Muumin Seed ka soo gaadhay shirkii golaha dhexe, islamarkaana ay hadda ka tirsan yihiin garabkiisa toosinta iyo caddaaladda. Siyaasiyiinta saluugay habka loo doortay hoggaanka xisbiga iyo musharraxiinta ayaa isa soo tarayay tan iyo markii qabanqaabada shirka golaha dhexe bilaamatay.

Xigasho Wargeyska Warsugan
Warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office