Socdaaladii Mo- Farah oo laga Cabsi Qabo inay Saamayn ku yeelato Amarkii Uu Saxeexay Donald Trump

0
455

Oradyahanka Asalkiisu Soomaaliga yahay balse haysta Dhalashada Britain Mohamed Farah ayaa laga cabsi qabaa in ay saameyn ku yeelato amarkii dhawaan kasoo baxay Donald Trump ee lagu mamnuucay safarada dadka Muslimiinta qaarkood ku tagayaan dalka Mareykanka.

Mo_Farah_is_on_course_for_a_place_in_the_record_books___and_a_knighthood

Mo Farah ayaa ku dhashay Somaliland waxa uuna heestaa dhalada Dalka Britain, hasa ahaatee dalkii uu ku dhashay ee Somaliland ayaa kamid ah toddobo waddan oo Muslimiin ah oo laga mamnuucay inay safaro ku tagaan dalka Mareykanka.

Xaaska Orodyahan Mo Farah ayaa xiligan ku nool Gobalka Oregon ee dalka Maraykanka, Mo Farah ayaana hadda ku sugan dalka Itoobiya uu ku qaadanayo tababar, waxana xusid mudan in Mo Farah dalka Mareykanka ku leeyahay xarun tababar.

Wargeyska The Sun ee ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa qoray in Mo Farah ay ku adkaan doonto in uu tago dalka Mareykanka ay ku nooshahay xaaskiisa sidoo kale ugu taallo xarun uu tababar ku qaato xiliyada qaar.

Amarka uu saxiixay Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka aya asaameyn ku yeelan doonto dadka heesta dhalashada wadamo kale balse kasoo jeeda 7-da wadan ee sida KMG ah looga joojiyay dadkooda in ay u soo safraan dalka Mareykanka.