Somaliland: Dulqaadka Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo Ee Nabada Buuhoodle. W/Q: Khadar Cabdiraxmaan‏

0
543

Somaliland: Dulqaadka Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo Ee Nabada Buuhoodle. W/Q: Khadar Cabdiraxmaan‏

Ilaahay ayey mahadi u sugnaatay, waana waajib ina saaran in aynu mar kasta Alle uga mahad celino nimcooyinka uu ina siiyey iyo nabadda uu inagu nooleeyey, mahad naqu waa nooc ka mid ah ciibadada Alle inagu adoonsaday.

Araarta hore markaan ka gudbo, waxaan saaka halkan kaga hadlayaa xaalada gobolka Buuhoodle oo ilaa hada noqotay mid taagan, waxaan la yaabay dadka nabad diidka ah ee ku sugan magalooyinka hoos yimaadan gobolka Buuhoodle ee moodaya in Somaliland aanay awoodin inay nabad buuxda ka yagleesho deegaanka.

Adeer ilaahay ayaa idinka jeediyey oo jeclaysiiyey Somaliland nabada iyo wada deganaanshaha ee habeen kumay qaadateen in xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo kala dirto nabad diidka ku dhex dhuumaalaysanayaa magaalooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada gobolka.

Madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadiisu arrinta qaswadeen Cali Khaliif ka wado Buuhoodle waxay ka muujiyeen bisayl dawlanimo, waxaanay isla qaateen in nabad lagu dhameeyo wax kasta oo ka jira gudaha Buuhoodle, laakiin taasi waxay u qudh qudhi wayday dadka mashruuca ka dhigtay xumaanta ee horgale Cali Khaliif caynaanka u hayo.

Haddii dawlada Siilaanyo doonayso inay duulaan ku soo qaado Buuhoodle wasiir kaliya uma soo dirteen, talaabadaasina waxay iftiiminaysaa sida ay mar kasta xukuumada uga go’antahay ka shaqaynta amniga guud ee dalka, degmo, gobol iyo tuulo intaba.

Madaxweynaha iyo xukuumadiisa waxaan ku amaanayaa kaalinta muuqata ee ay ka qaateen aayahaa iyo mustaqbalka gobolka Buuhoodle, waxaanan leeyahay madaxweyne halkaas kaga haya oo marna haka caajisina nabad ku soo dabaalida meel kasta oo ay ka jirto nabad xumo iyo cabasho bulsho.

Soo afmeerida qoraalkayga waxaan ku soo koobi lahaa, nabada Somaliland in meel looga soo wada jeesto waa mid lagama maarmaan ah, gaar ahaana gobolka Buuhoodle oo hada u muuqda in Cali Khaliif ku soo qaatay mashruuc ah fad qalalo iyo waxyeelida Somaliland.

Allah Mahad Leh

Khadar Cabdiraxmaan

Khadarc16@gmail.com