Somaliland: “Gobolka Sanaag Godoon ayuu Dalka Kaga Jiraa” Maayirka Ceerigaabo

0
782

Somaliland: “Gobolka Sanaag Godoon ayuu Dalka Kaga Jiraa” Maayirka Ceerigaabo
Hargeysa(Warsugannews)-Wefti uu hor kacayo badhasaabka gobalka Sanaag muddane Ismaaciil Xaaji Nuur ,xilhibaanada golaha deegaanka ee ceerigaabo ,urur waynaha haweenka ee gobolka sanaag ayaa booqasho gaaban ku yimid xarunta dhaqanka ee Hargeysa. Kuwaasi oo indho indhaynayey qaabka ay u shaqayso Xarunta Dhaqanka ee Hargeysi.
Sidoo kale weftigu waxay u socdeen in ay ka qayb qaataan dhisme loo samaynayo dhalinyarada gobolka sanaag ee magaalada ceerigaabo halkaas oo la doonayo in loogu sameeyo xarun ay wax ku akhristaan sidoo kale ay dhalinyardu ku kulanto

Maayarka magaalada Ceerigaabo oo ka hadlaya ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin booqashadan xarunta dhaqanka ee Haregeysa.
“Aad baan u soo dhaweynaynaa in la helo goob ay dhalinyarada gobolku wax ku akhristaan sidoo kale ku kulmaan si looga hortago dib u dhacyada tirade badan ee gobolka ka jira ee ay ugu wayntahay qabyaalada iyo godoonka uu gobolku kaga jiro dalka intiisa kale’ayuu yidhi Ismaaciil Xaaji Nuur.

Sidoo kale xildhibaan ka tirsan gobolka Sanaag ayaa sheegtay in ay baraarug wanaagsan tahay oo xiligiisii ku soo beegmay in dhalinyarada loo helo goob ay wax ku akhristaan si ay aqoontooda u dhisaan oo ay uuga qayb qaataan horumarka dalka.

Gabagabadii kulankaasina waxa goobta ka hadlay Xildhibaan Cartan oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland,Siciid Jamac Xuseen oo ka mid ah aqoonyahanka Somaliland iyo Caydaruus Maxamuud Sange oo ka mid ah dhallinyarada Gobolka Sanaag.
IMG_4306

IMG_4358

IMG_4358_1

IMG_4385

IMG_4400

IMG_4419

IMG_4428

IMG_4432

IMG_4441

IMG_4444

IMG_4448
Hargeysa,Somaliland.