Somaliland Oo Ka Faa’iidaysan Xilli Roobaadka Biyaha Ka Soo Rogmada Oo Badda Gala Iyo Abaaraha Soo Noqnoqda W/Q Cabdillaahi Xasan Maxamed (Budul)

0
590

Somaliland Oo Ka Faa’iidaysan Xilli Roobaadka Biyaha Ka Soo Rogmada Oo Badda Gala Iyo Abaaraha Soo Noqnoqda
W/Q Cabdillaahi Xasan Maxamed (Budul)

Somaliland ayaan ka faa’iidaysan khayraadka xilli roobaadka ilaahay ugu deeqo oo gebi ahaanba dooxyadu badda ku daraan iyadoon ummada reer Somaliland ka faa’iidaysan. Wakhtiyada ay curtain roobabka gu’ga ee dalka Somaliland ka da’a ayaa dooxyada faraha badani badda ku daraan, isla markaana xilliyada jiilaalada daba dheeraada biyo la’aani ku habsataa dad iyo duunyada, ayaa loo baahan yahay in laga faa’iidaysto raxmaadka ilaahay inoo shubo ee sida degdega inoo dhaafaya inaynu qabsano biyahaasi bada galaya.

Deegaanada Somaliland ee bari iyo galbeedba ayaa sanadihii u dambeeyay waxa ku soo noqnoqonayay abaaro baahansan oo galaaftay xoolo farabadan, isla markaana dadka laftooda macaluul saamaysay ayaa loo baahan yahay in laga gaashaanto oo dhaamam iyo biyo xidheeno laga sameeyo deegaanada ku haboon ee dooxyada.

Waxaana muhiima in diirada la saaro baahada biyo la’aanta xilliyada jiilaal cadaadiga iyo abaaraha sahayda xoolo tiro badan oo wada tashi qaran laga yeesho sidii dalka looga hirgelin lahaa biyo xidheen ama dhaamam waaweyn oo xilliyadaasi adag lagaga samata baxo jiilaalada daba dheeraada oo dad iyo duunyaduba kagaga badbaadaan.

Dhinaca kale waa in iyagana la ilaaliyaa deegaanka, isla markaana sharciga la mariyaa dadka dhirta gumaadaya oo hada la daba qabayeetaa inta hadhsan, iyadoo badalkeedana dhirta la jaray la badiyaa beeritaanka dhirta.
Iska wax u qabso iyo horumarka u leeyahay
Iska wax u qabso waa barnaamij wax qabad oo horumar lagu gaadho oo bulshada u horseeda inay baahiyo badan oo aasaas u ah nolosha lagama maarmaan u ah la qabsado.

Barnaamijka iska wax u qabso maaha mid Siyaad Barre lahaa ee ummada ayaa lahayd, mana aha in kalidii taliyihii dalkii Somalia laysku odhan jiray aynu u nacno iska wax u qabso-da. Xilliyadii todobaatanadii ee Somalia uu ka talinayay Siyaad Barre oo madaxweyanaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ka mid ahaa wasiiradii fiorfircoonaa ee Siyaad Barre ka faa’iidaystay aqoontooda ayaa keenay barnaamijka iska wax u qabso oo horumar laxaad leh wakhtigaasi gaadhsiiyay Somalia.
Iska wax u qabso waa shacbiga qaybihiisa kala duwan iyo hay’adaha dawlada oo kooxo-ba maalin gacanta saaraan meel loo baahan yahay in wax laga qabto haday tahay dhismeyaal, waddooyin, iskuulo, dhaamam iwm., taas oo looga faa’iidasanayo muruqa dhalinyarada iyo dadka xooga ah, waxaanay taasi muujinaysaa wadaniyada iyo inaynu wax qabsan karno oo hay’ado shisheeye aynaan mar walba wax ka sugin.

Waxaan xasuustaa dhawr iyo todobaatankii anagoo arday ah ayaa cisbitaalka guud qaybta dhimirka laga yagleelay goobta uu hada ku yaal, waxaana lagu dhisayay iskaa wax u qabso.

Waxa halkaasi joogay gaadhi idaacada Radio Hargeysa ay lahayd oo baahinayay heeso dadka lagu dhiirigalinayay iska wax u qabsada, waxaan ka xasuustaa hees midhaheeda ay ka mid ahaayeen oo uu qaadayay alle ha u naxariistee Maxamed Axmed Kuluc iyo koox “Aan kuu sheege shaqaaluhu waa sharaftii dhulka sharaxaysay, waa kuwa shiilla camuude kala shuba’e ka shaandheeya macdante, kala shiille u shinn tiriye inba meel ku sharaxa”. kadib midhaha heestaasi markaanu maqlnay waxanu meel agtayada ah dhiganay buugaagtii oo ka qaybgalay iska wax u qabsadii.

Hadaba wakhtigan xaadirka ah oo madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo majaraha u hayo dalkan maxaa inoo diidaya inaynu iska wax u qabso dalka laga hirgeliyo.

Waxaanan ku baaqayaa in barnaamijkaasi xukuumadu degdega dalka ugu soo rogto, taas oo lagu gaadhi karo horumar la taaban karo, ayaa waxay muujinaysaa kartideena aynu wax ku qabsano inta itaalkeena ah.
W/Q Cabdillaahi Xasan Maxamed (Budul)

Xigasho Wargeyska Warsugan
Warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office